Home Wararka Maanta Sirdoonka NISA oo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Shabaab

Sirdoonka NISA oo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Shabaab

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen sagaal xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana doonayay in ay falal amni darro ah ka gaystaan Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.

Hay’adda NISA oo caawa warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in xubnahan ay si dhuumaaleysi ah ugu sugnaayeen Degmooyinka Garasbaaley iyo Kaxda ee Gobolka Banaadir iyo weliba xaafado ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, isla-markaana afar ka mid ah ay ahaayeen shabakad isku xiran oo qorsheynaysay falal argagixiso oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, laguna qalqalgelinayo amniga iyo xasilloonida caasimadda.

NISA ayaa sheegtay in Xoogaga Sirdoonka ay muddo si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqyada iyo qorsheyaasha xubnahan, dabagal iyo xog uruurin ka dibna lagu guuleystay in mid kastaa laga soo qabto goobtii uu ku sugnaa.

NISA ayaan sheegin goorta la soo xiray xubnahan, waxayse sheegtay in baaritaan dheeraad ah lagu wado, ka dibna loo gudbin doono sharciga.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa:-

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay Sagaal dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab, kuwaas oo ku howlanaa qorsheynta falal amniga lid ku ah oo ay doonayeen in ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Dhagar-qabeyaashan ayaa si dhuumaaleysi ah ugu sugnaa Degmooyinka Garasbaaley, Kaxda iyo xaafado ka tirsan Ceelasha Biyaha. Afar ka mid ah waxa ay ahaayeen shabakad isku xiran oo qorsheynaysay falal argagixiso oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, laguna qalqalgelinayo amniga iyo xasilloonida caasimadda.

Sirdoonka Hay’adda NISA ayaa muddo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqyada iyo qorsheyaasha xubnahan, waxaana dabagal iyo xog-ururin ka dib lagu guuleystay in mid kasta lagu qabto goobtii uu ku sugnaa, waxaana hadda ku socda baaritaanno, iyada oo ka dib loo gudbin doono hay’adaha garsoorka, si sharciga loo waafajiyo.

Hay’adda NISA waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed ee mar walba la wadaaga xogaha la xiriira khataraha amniga, waxayna mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta badqabka muwaadiniinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc