Home Dhacdooyin Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis difaac oo wadajir ah (SAWIRRO)

Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis difaac oo wadajir ah (SAWIRRO)

by Laacib

Dalalka Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ayaa maanta kala saxiixday heshiis difaac oo saddex geesood ah, ka dib kulan ka dhacay Magaalada Makka.

Heshiiska difaaca wadajirka ayaa dhigaya in weerar hubeysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Dhaxal-sugaha Boqortooyada ahna Raysal Wasaaraha Sacuudiga, Mohammed bin Salman, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif.

Heshiiskan ayaa ku soo aadaya, xilli Bariga Dhexe ay ka taagan tahay xiisad u dhexeyso Mareykanka iyo Iran, isla-markaana si weyn u saameysay Dowladaha Khaliijka Carabta.

Heshiiska ayaa waxa kaloo uu imanaya, iyadoo dhawaan ay gobolka ka soo korortay xiisad cusub oo Sacuudiga kala dhexeysa Xuutiyiinta Yemen.

Xiisadaha gobolka ayaa cawaaqib ku yeeshay dhoofinta shidaalka Sacuudiga ee ka gudbaya Marinka Hormuz iyo marin biyoodka dhinaca kale ku yaala ee Bab El-Mandeb.

Dhaqaalaha Sacuudiga ayaa halis galay, ka dib markii Xuutiyiinta ay 20-kii bishii July ku dhawaaqeen go’aan ay maraakiibta Sacuudiga uga mamnuucayaan inay adeegsadaan Marinka Bab El-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Hubanti la’aanta ku gadaaman taageerada difaaca Mareykanka ayaa Sacuudiga ku riixday in uu raadsado iskaashi ka madaxbannaan midkii asalka ahaa. Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa tobanaan sano lahaa iskaashi dhanka difaaca iyo amniga. Washington ayaa ku guuldareysatay in ay difaacdo xulafadeeda xilliga adag.

Heshiiska Makka ayaa muujinaya in Riyadh ay dooneyso inay yareyso ku tiirsanaanta hubka iyo difaaca Mareykanka, oo macnaheedu yahay in Boqortooyada Sacuudiga aysan rabin in dal qura ku haleyso amnigeeda iyo xasilloonideeda Gacanka Khaliijka.

Heshiiska wadajirka ah ee Jimcahan lagu saxiixay Magaalada Makka oo loogu magac-daray (Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makka ama Mecca Joint Defence Agreement) ayaa mideynaya awoodda saddex dal oo waaweyn. Sacuudiga ayaa ah dalka ugu weyn ee shidaalka dhoofiya, iyadoo Turkiga uu yahay dalka labaad ee leh ciidaamada ugu badan ee NATO iyo Pakistan oo iyana ah dalka keliya ee Muslim ah ee haysta hubka nuclear-ka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc