Home Wararka Maanta Weerar xagga cirka oo lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab

Weerar xagga cirka oo lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa caawa sheegtay in ciidamadeeda oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay hawlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Tawakal ee Gobolka Shabellaha Hoose.

NISA ayaa sheegtay in duqayntan oo lagu beegsaday xarun ku taala deegaankaasi lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab, isla-markaana uu hawlgalku yimid, ka dib markii ay heshay xog ku saabsan inay halkaasi ku sugan yihiin horjoogeyaal muhiim u ahaa maleeshiyada.

“Hawlgalka ayaa lagu beegsaday xarun ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka Tawakal, ka dib markii NISA ay heshay xog sirdoon oo lagu xaqiijiyay in halkaas ay ku sugnaayeen horjoogeyaal muhiim u ahaa kooxda. Bartilmaameedka ayaa ahaa goob gudaha ah oo ay si gaar ah horjoogeyaashu ugu kulmi jireen, halkaas oo la beegsaday xilli ay ku sugnaayeen.” Ayay NISA ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “Horjoogeyaasha goobta ku sugnaa waxaa ka mid ahaa Yoonis Macallim Abuukar, oo qaabilsanaa deegaanka Mushaani, Abuu Xaaji Fareey, oo ahaa horjoogaha maleeshiyaadka ee deegaanka Tawakal, Ayaatullaahi, oo ahaa horjoogaha Jabhadda Gobolka Shabellaha Hoose iyo Cabdifitaax Rooble, horjoogihii Baadda ee deegaanka Baladul-Amiin. Xogta hordhaca ah ayaa xaqiijisay in Horjooge Yoonis Macallim Abuuukar iyo Horjooge Cabdifitaax Rooble ay dhaawacyo culus ka soo gaareen hawlgalka.”

NISA waxay sheegtay in hawlgalkan uu qayb ka yahay dadaalada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Shabaabka, laguna burburinayo horjoogeyaashooda iyo goobaha ay u adeegsadaan abaabulka falalka argagixisada.

Hay’adda Sirdoonka Somaliya ee NISA ayaa waxay soo ururisaa xogaha sirdoon ee ku saabsan horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al Shabaab. Xogtan waxay saldhig u tahay duqaymaha dhanka cirka ah ee lagu beegsado goobahooda. NISA waxay xaqiijisaa meelaha ay ku dhuuntaan ama ay ku shiraan horjoogeyaasha Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc