Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Talaadadan Magaalada Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa Isniintii Cabdiqaadir Maxamed Nuur u doortay in uu noqdo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, isaga oo bedelaya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
War caawa lagu daabacay bogga wararka ee Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu hoygiisa ku booqday Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
“Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa ugu horrayn Gudoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyeeyey guushiisii loogu doortay xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka, wuxuuna u rajeeyey inuu Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu sheegay “Kulanka Labada Gudoomiye ayaa looga hadlay arrimo la xiriira howlaha horyaalla Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, xoojinta wada-shaqaynta Labada Aqal iyo sidoo kale sidii Kalfadhigga 8aad loo dhameystiri lahaa shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka, waxaana kulanka ka qaybgalay Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed, Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan, Xildhibaan Gobsan Maxamed iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.”
Jaamac ayaa shalay iska casilay xilka Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Somaliya, ka dib markii loo doortay jegada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Is casilaaddan ayuu isla shalay kaga dhawaaqay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa, halkaas oo Xildhibaanadu ay ku doorteen.
