Home Wararka Maanta Mudaaharaad ka dhan ah Turkiga oo ka dhacay Degmada Doolow (SAWIRRO)

Mudaaharaad ka dhan ah Turkiga oo ka dhacay Degmada Doolow (SAWIRRO)

by Laacib

Shacabka ku nool Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa maanta bannaanbax lagaga soo horjeedo duqayntii guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ka dhigay degmadaasi.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay inay gaysatay duqayntaasi, iyadoo adeegsaneysa diyaarad drone ah oo Turkiga uu leeyahay.

Dowladda Federaalka ayaa Jimcihii soo saartay warsaxafadeed ay isaga fogeynayso inay ku lug lahayd duqayntaasi, waxayna sheegtay in xogaha horudhaca ah ee hay’adaha ammaanku heleen ay muujinayaan in qaraxyadu ay ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay gurigaasi.

Jawaabta Dowladda Federaalka ayaa ka carreysiisay Maamulka Degmada Doolow iyo weliba dadka deegaanka, oo ku doodaya in ay indhahoodu ku arkayeen diyaaradda duqaynta gaysatay, isla-markaana ay dhegahooda ku maqlayeen guuxeeda.

Gudoomiyaha Degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey) iyo masuuliyiin kale oo dibadbaxayaasha kula hadlay Fagaaraha Doolow ayaa dhalleeceeyay duqayntaasi.

Masuuliyiintan ayaa Dowladaha Turkiga iyo Masar ku eedeeyay inay fara-gelin ku hayaan dalka. Eedeyntooda ayaa waxay ka tarjumeysaa in labada dowladood ay ogol yihiin in Dowladda Soomaaliyeed ay si khaldan u adeegsato taageeradooda gudaha.

Dibadbaxayaasha ayaa watay calamada labada dal iyo sawirka Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo midka diyaaradda Bayraktar.

Taliye Shub iyo laba qof oo kale oo midi ay haweeney tahay ayaa ku dhaawacmay duqayntan, halka laba kale oo isugu jira haweeney ka shaqeyneysay guriga iyo nin askari ah ay ku dhinteen.

Dhacdadan ayaa hadal hayn xoog leh ka dhalisay dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc