Home Wararka Maanta Saraakiisha Militariga oo u kuurgelaya caqabadaha horgudban hawlgalka deegaanka Basra

Saraakiisha Militariga oo u kuurgelaya caqabadaha horgudban hawlgalka deegaanka Basra

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka arrinsanayaan, waxa u baahan in wax ka bedelka lagu sameeyo, si uu u guuleysto hawlgalka la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro deegaanka Basra, oo ku yaala xuduudda Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe, isla-markaana isku xira Magaalooyinka Afgooye iyo Balcad.

Saraakiisha ayay wararku sheegayaan inay u kuurgelid iyo qiimaynba ku sameynayaan qaabka uu u socdo hawlgalka iyo caqabadaha ay tahay in xal degdeg ah loo helo.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa 26-kii bishii hore ee August bilaabay hawlgal militari oo qorshuhu ahaa in maleeshiyada lagaga kiciyo deegaankaasi.

Inkasta oo ciidamada ay u suurtagashay inay Shabaabka ka saaraan inta badan goobihii ay kaga sugnaayeen deegaanka, haddana dagaalka ayaa la arki karay in uu mid adag ku noqday, xilligii dhameystirka.

Shabaabka ayaa salka la galay godad ay horey uga qoteen bannaanada Basra ee uu maro Webiga Shabelle, isla-markaana ah dhul cufan oo geedo badan leh oo gurmad-na ka heli kara Labada Shabelle.

Gulufka dagaal ee ay ciidamadu ku hayeen maleeshiyada ayaad mooddaa in uu gaabis ku yimid amaba uu hakaday, wixii ka dambeeyay gelinkii dambe ee maalintii Arbacada.

Taliska Militariga ayaa lagu dhalleeceeyay inay Shabaabka culeys ka soo saareen dhinaca Muqdisho oo keliya, iyadoo aanu cadaadis ka haysan jihooyinka kale ee Afgooye iyo Balcad ama Wanlaweyn iyo Qalimow.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha sarsare ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay hadda ka wada hadlayaan, sidii la isugu xiri lahaa ciidamada, isla-markaana uu hawlgalku u noqon lahaa mid dhowr jiho ka socda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Saraakiisha Militariga ay eegayaan, sidii ay ciidamada uga wada hawlgeli lahaayeen duleedka Muqdisho iyo Gobolada Shabellooyinka.

Deegaanka Basra oo deegaan beereed ah ayaa leh muhiimad weyn oo istiraatiiji ah, oo Shabaabka u sahla in ay si nabdoon isugu kala gooshaan Labada Shabelle.

Lama oga waqtiga saxda ah ee ay qaadaneyso in la qorsheeyo guluf ballaaran oo wadajir ah, oo si buuxda Al Shabaab looga saarayo jiinka Webiga Shabelle ee Basra.

Dhowrkii sano ee u dambeeyay oo ciidamada ay marar kala duwan hawlgalo ka sameeyeen deegaanka ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan, sababtuna waa inaysan si dhameystiran uga wada saarin Shabaab, isla-markaana aysan ka sameysan saldhigyo joogto ah oo lagaga hortagayo inay ku soo laabtaan amaba lagu xakameynayo isu socodkooda gobolada deriska la ah Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc