Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo booqasho ku jooga Magaalada Baydhabo ayaa ciidamada u sheegay in hawlgal sifayn ah laga bilaabi doono deegaanada hoostaga magaaladaasi.
General Sahal Cabdullaahi Cumar oo weli kormeer ku sameynaya difaacyada ay ciidamadu ku leeyihiin afaafka hore ee magaalada ayaa marka hore ku bogaadiyay, sida ay u gudanayaan waajibaadkooda qaran ee difaaca dalka.
Taliyaha oo Ciidanka Xoogga Dalka qaarkood kula hadlay mid ka mid ah goobihii uu booqday ayaa u sheegay in ay u diyaargaroobaan hawlgal lagu xasillinayo amniga magaalada, isagoona muujiyay in dhawaan hawlgalka laga bilaabi doono deegaanada ku xeeran magaaladaasi.
Taliska Militariga Somaliya ayaa isku-dubaridaya cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed, oo la doonayo in ay ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo maleeshiyada Al Shabaab ka saaraan deegaanada ku dhow dhow Magaalada Baydhabo.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa Sabtidii Baydhabo u tagey qorsheynta hawlgal dhul iyo cirba leh, oo laga sameeyo deegaanada loo arko in laga soo abaabulo weerarada ka dhanka ah magaaladaasi.
Dowladda Federaalka ayaa Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ka caawineysa in uu si ammaan ah ugu shaqeeyo Baydhabo.
Aadan Madoobe ayaa waxaa walaac ku haya ciidamada diidan maamulkiisa ee ku sugan bannaanada magaalada.
