Xiisadda siyaasadeed ee ka soo korortay Gobolka Hiiraan ayaa soo jiidatay indhaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, oo laga doonayo inay gacan ka gaystaan sugidda nabadgelyada magaalooyinka waaweyn ee gobolkaasi, gaar ahaan magaalooyinka laga qabanayo doorashada qofka iyo codka ee la rabo inay dadka deegaanka ku soo doortaan Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Hirshabelle.
Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socdo dhaqdhaqaaq lagu diidan yahay in laga qabto wax doorasho ah, dareenkaas oo la filayo in ay la qaataan shacabka kale ee ku dhaqan labada magaalo ee Buuloburde iyo Jalalaqsi iyo qaybo ka mid ah Matabaan, inkastoo tani ay keeneyso kala qaybsanaan.
Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan ayaa wadata khatar weyn oo amni, maadaama ay wiiqi karto dagaalkii lagu la jiray maleeshiyada Al Shabaab.
Walaaca ugu weyn ee soo food saaray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ah cabsi laga qabo in ciidamada qaarkood iyo Macawiisleyda reer Hiiraan ay soo faarujiyaan difaacyadooda gobolka, taasoo loo arko mid halis ku ah amniga dalka oo Al Shabaab siineysa dhul ballaarsi.
Ciidamada qaybtood ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay ku aragti noqdaan siyaasiyiinta diidan dib-u-doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), isla-markaana ay diidaan u hoggaansanaanta awaamiirta taliska.
Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka hawlgala cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka soo jeeda deegaanka iyo xoogag Macawiisley ah oo ka taageera la dagaalanka Al Shabaab.
Goob kasta oo furimaha difaaca ama aagagga hore ee dagaalka oo laga soo baxo ayaa noqoneysa bar maran, oo ay Al Shabaab si dhib yar ah dib ugu qabsan karto, tani oo cawaaqib ku yeelaneysa isu socodka dadka ee magaalooyinka waaweyn iyo waddooyinka sahayda ee gobolka.
Xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale caqabad ku noqon kara diyaargarowgii ugu dambeeyay ee talisku uu ugu jiray inay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed la wareegaan saldhigyada lagu wado inay banneeyaan Ciidanka Midowga Afrika ee Hawlgalka AUSSOM, marka la gaaro daba-yaaqada sanadkan.
Daldaloolada amniga ayaa sii kordhisay baahida loo qabo askar dheeri ah oo haysata tababar iyo qalab ku filan.
General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Isniintii kormeeray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee General Dhega-badan, si loo helo amaba loo soo saaro cutubyo cusub oo buuxiya kaalinta ciidan yarida.
Deganaansho la’aanta siyaasadeed ayaa khasbeysa in diiradda la saaro ammaanka magaalooyinka iyo deegaanada muhiimka ah, halkii ciidamadu ay si buuxda ugu weecan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo xoreynta dhulka maqan.
Dhibaatooyinka amniga ayaa waxaa looga gudbi karaa xallinta khilaafyada siyaasadeed ee dalka oo cirka isku shareeray.