Home Wararka Maanta Taliyaha Militariga oo kormeeray Dugsiga General Dhega-badan (SAWIRRO)

Taliyaha Militariga oo kormeeray Dugsiga General Dhega-badan (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee Isniintii kormeeray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee General Dhega-badan ee Magaalada Muqdisho.

Dugsigan oo horey loo oran jiray Jasiira, kuna yaala Degmada Wadajir ayaa waxaa lagu tababaraa dhallinyarada loo qaadanayo in ay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay in uu kormeer shaqo ku tegay xeradaasi, isagoo u kuurgelaya xaaladda guud ee dugsiga iyo habsami-u-socodka howlaha tababarka.

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in Taliyaha uu halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doctrine-ka Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Ciise Axmed iyo Taliyaha Dugsiga General Dhega-badan, Korneyl Maxamed Sheekh.

“Intii uu kormeerka ku guda jiray, Taliyaha ayaa indha-indheeyay qaybaha kala duwan ee dugsiga, isagoo warbixinno ka dhageystay masuuliyiinta xarunta, kana warbixiyay xaaladda howlaha tababarka iyo diyaargarowga ciidamada.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa intaasi ku daray “Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaalada lagu horumarinayo xarumaha tababarka, tayaynta ciidamada iyo xoojinta diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Dugsigan ayaa 20-kii bishii November ee sanadkii 2015 loogu magac-daray Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), kaas oo 1-dii bishaasi ku geeriyooday weerar ay dabley ka tirsan Al Shabaab ka gaysatay Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc