Home Wararka Maanta Shabaab oo sanado ka dib la wareegay Degmada Moqokori

Shabaab oo sanado ka dib la wareegay Degmada Moqokori

by Laacib

Boqolaal nin oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta dagaal culus kula wareegay gacan ku haynta Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, ka dib weerar qaraxyo ku bilowday oo ay ku ekeeyeen fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay ku leeyihiin afaafka hore ee degmadaasi.

Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maleeshiyadeeda ay si buuxda ula wareegeen degmada ku taala bariga Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad aad u hubeysan ay degmada ka soo weerareen jihada deegaanka Gumare oo xiga dhanka deegaanka Ceelqooxle, oo labaduba hoostaga degmadaasi.

Shabaabka ayaa 29-kii bishii hore ee June la wareegay deegaanka Ceelqooxle, waxayna Jimcihii uga soo gudbeen oo ay qabsadeen Gumare, inkastoo Sabtidii ay ciidamadu u suurtagashay in ay dib ula wareegaan deegaankaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaan ku hakan deegaanka Gumare oo wax ka yar 10km u jira Degmada Moqokori, waxayna u sii qalab qaateen dhinaca Ceelqooxle, iyadoo labadii cisho ee u dambeysayna ay gurmadka ciidamadu ku qulqulayeen waddada aadda dhinaca Ceelqooxle.

Shabaabka ayaa malaha ku talagalay, ka hor inta aysan ciidamadu soo gaarin Ceelqooxle in ay u soo daba maraan Degmada Moqokori, waana xilli ay dhufeysyo iyo godad ka qoteen duleedka iyo gudaha Ceelqooxle.

Ma cadda, sida ay Shabaabku uga soo xeeladeysteen ciidamadii ku safrayay waddada Gumare iyo Ceelqooxle, uguna suurtagashay in ay weerarkan ku soo qaadaan Degmada Moqokori.

Weerarkan ayaa xaaladda degmada ka dhigay mid aad u kacsan, waxaana xusid mudan in ciidamadii ku sugnaa oo isugu jira kuwa Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay dibadda uga baxeen.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii deganaa Moqokori ayaa ka barakacay guryahooda, sababtu tahay cabsi ay ka qabaan in ay bartilmaameed noqon karaan, maadaama qaarkood ay la shaqeynayeen ciidamada.

Dhanka kale wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu socdo abaabul xagga ciidamada ah, si ay mar kale dib ugu la wareegaan gacan ku haynta degmadaasi.

Militariga iyo Macawiisleyda ayaa bartamihii bishii April saldhig weyn ka sameystay degmadaasi, ka dib markii Al Shabaab ay dagaal culus ku qabsatay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wax badan lagama oga khasaaraha uu gaystay dagaalkan, marka laga soo tago warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dhimasho iyo dhaawac fara-badan uu jiro.

Waa weerarkii ugu ballaarnaa oo Al Shabaab ay ku soo qaaddo Degmada Moqokori, tan iyo markii laga saaray 25-kii bishii September ee sanadkii 2022.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc