Gobolka Hiiraan ayaa wajahaya xaalad aad u kacsan, tan iyo markii maleeshiyada Al Shabaab ay Isniintii dagaal culus kula wareegeen Degmada Moqokori ee gobolkaasi.
Boqolaal nin oo Shabaab aad u hubeysan ah ayaa weerar uu qaraxyo ku bilowday ku qaaday fariisimaha ay ciidamadu ku lahaayeen afaafka hore ee degmadaasi, taasoo ugu dambayn u suurtagelisay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynteeda.
Shabaabka ayaa degmadan istiraatiijiga ah laga saaray ku dhawaad saddex sano ka hor, waxayna la wareegitaankeeda ay dib u dhac weyn ku noqotay dadaaladii socday ee la doonayay in looga saaro deegaanada hoostaga oo maalmihii u dambeysay ay soo kubaareeyeen.
Tani ayaa keentay in bariga gobolka uu ka bilowdo dhaqdhaqaaq loogu diyaargaroobayo in maleeshiyadaasi lagaga saaro Degmada Moqokori, bedelkii uu qorshihii hore ahaa in Moqokori laga sii socdo, iyada oo la xoreynayo deegaanada hoostaga oo Shabaabku ay 29-kii bishii June bilaabeen in ay la wareegaan, waana halka uu dib u dhaca ugu weyn ka jiro.
Wararka ayaa sheegaya in abaabul ciidan uu ka socdo Magaalooyinka Beledweyne, Halgan, Buuloburde iyo Maxaas, si Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay weerar rogaalcelin ah ugu qaadaan magaaladii u dambeysay ee laga qabsaday.
Saraakiisha Militariga, siyaasiyiin ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kan Hirshabelle iyo Odayaasha Dhaqanka ee gobolka ayaa ku lug leh abaabulka ciidan ee ka socdo gobolkaasi, si looga hortago colka Al Shabaab, loogana saaro Degmada Moqokori.
Abaabulkan ayaa ah mid laga dareemay meelo ka mid ah magaalooyinkaasi, marka aad eegto in xoogag hor leh oo Macawiisley ah lagu abaabulayo.
Maxaas ayaa ah xudunta abaabulka ballaaran ee xilligan ka socdo gobolka, sababtoo ah waa magaalada labaad oo Shabaabku ay doonayaan in ay qabsadaan, ka dib la wareegitaankoodii Moqokori.
Shabaabka ayaa la aaminsan yahay in ay diiradda ku hayaan Maxaas, bacdamaa ay tahay marinka ugu weyn ee ay ku gaari karaan bariga Gobolka Galgaduud.
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in uu jiro dareen gaar ah oo ku aaddan suurtagalnimada in Shabaabku ay si dhakhsa ah u soo hujuumi karaan magaaladaasi, haddii aysan ciidamadu si degdeg ahi cagta u saarin waddada Moqokori.
Maxaas ayaa waxaa ka socdo kulamo xiriir ah oo Saraakiisha Ciidamada, siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka qaar ee deegaanka ay ku ciidan badsanayaan, si khatarta Al Shabaab aysan ugu soo fidin magaaladaasi iyo in loo jiheysto, sidii looga saari lahaa Moqokori.
Moqokori oo ku dhow xadka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa qiyaastii 55km u jirta Maxaas oo Hiiraan ah, waxaana joogitaanka Al Shabaab ee Moqokori loo arkaa mid khatar dhab ahi ku ah amniga Maxaas iyo xitaa Magaalada Buuloburde, maadaama Shabaabku ay si toos ah isugu socon karaan Moqokori iyo deegaanka Yasooman oo hoostaga Buuloburde, waxaana xusid mudan in Yasooman ay deris la tahay deegaanka Aboorey oo ku dhegan deegaanka Jicibow oo saaran jiinka Webiga Shabelle, oo dhaca dhul barraha webiga ee deegaanada bariga iyo galbeedka ee Gobolka Hiiraan. Webiga oo dhex mara gobolka ayaa u kala qaybiya bari iyo galbeed.
Gurmadka Shabaabka waxaad arki kartaa in ay si toos ah isaga kala gudbi karaan min bariga Gobolka Shabellaha Dhexe illaa galbeedka Gobolka Hiiraan, haddii aad fiiriso in Shabaabku ay haystaan Degmooyinka Alkowsar iyo Aadan Yabaal oo ku yaala bariga Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Degmada Moqokori oo bariga Gobolka Hiiraan ah, oo ay u furan tahay waddada deegaanada Yasooman, Aboorey iyo Jicibow oo looga gudbo galbeedka Gobolka Hiiraan, iyada oo laga tallaabayo webiga oo deegaankaasi uu maro.
Arrintan ayaa sare u qaadeysa xiisadda gobolka, haddii aysan dadka deegaanka la qabsan, si la mid ah saddex sano ka hor oo Shabaabku ay sidaan oo kale ay u haysteen, waana dhulkii ay ciidamadu ku xoreeyeen wejigii koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka.
Cali Jeyte Cismaan, U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka oo tan iyo bishii March ka maqnaa saaxada dagaalka ee gobolkaasi ayaa Talaadadii gaaray Maxaas, waana ninka hoggaaminaya kulamada aan loo kala kaceynin ee ka socdo magaaladaasi.
Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa isku dayaya in mar kale uu soo nooleeyo awooddii Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley iyo kuwoodii ku kala irdhoobay dagaaladii u dambeeyay ay u yeeshaan barro ay ka duuli karaan. Macawiisleyda reer Hiiraan ayaa la xusuustaa in daba-yaaqadii sanadkii 2022 iyo sanadkii xigay ee 2023 ay gacan weyn ka gaysteen in la xoreeyo inta badan deegaanadii ay Shabaabku ka haysteen Dowlad Goboleedka Hirshabelle, walow Shabaabku ay muddooyinkan dambe dib u soo qabsanayeen dhulkii ay ciidamadu nafaha badan u hureen.
Hoggaamiyeyaasha bulshada ee gobolka ayaa ka carreysan dayac ay ku andacoonayaan in uu ka jiro dhinaca Dowladda Federaalka, isla-markaana aysan si buuxda dadka gobolka ugu garab istaagin inay ka xoroobaan kooxaha argagixisada.
Dadka deegaanka ayaa ka xumaaday in Moqokori ay si fudud uga baxdo gacanta ciidamada, iyaga oo masuuliyaddeeda dusha kaga tuuraya Villa Somalia, maadaama ay rumeysan yihiin in aqalka dalka looga arrimiyo aanu taageeradii loo baahnaa ku bixin dagaalka ay dadka gobolka kula jiraan Al Shabaab, welibana iyadoo ay dowladdu ogtahay in dadka gobolkaasi ay diidan yihiin in ay isu dhiibaan maleeshiyadaasi.
Reer Hiiraan ayaa waxay isu arkaan kuwo ay ka go’an tahay la dagaalanka Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama, balse ay xagal-daacineyso Dowladda Federaalka, waana wax ay dadka intiisa badan ugu garaabayaan.
Dhowr biloodba dadka reer Hiiraan ayaa Shabaab kula dagaalamayay deegaanada qaar ee hoostaga Degmada Moqokori, xilli ay hakadeen hawlgaladii ka socday deegaanada kale ee Hirshabelle iyo Gobolada Galgaduud & Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Shabaabka oo ka warqabay in aanu wax cadaadis ah ka haysan Hirshabelle iyo Galmudug, bariga Gobolka Hiiraan mooyee ayaa kordhiyay culeyskii ay ku hayeen Moqokori, illaa markii dambe ay toddobaadkan gacanta u gasho.
Dhanka kale Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa Arbacadii masuuliyiin ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida kala wareegay sanad ciidan, oo loogu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab.
Gudoomiye Wehliye ayaa qalabkan kula wareegay Degmada Feerfeer oo ku taala xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Dowlad Deegaanka Soomaalida, isagoona ballanqaad cusub ka helay masuuliyiintaasi oo sheegay in ay sii wadi doonaan taageeradooda iyo is garabtaagooda dagaalka ay dadka reer Hiiraan kula jiraan argagixisada.
Wehliye ayaa Dowlad Goboleedyada dalka ka dhisan ugu baaqay in hal meel looga soo jeesto Al Shabaab, isla-markaana ay deegaanadooda dagaal kaga furaan maleeshiyada, taasoo sida uu sheegay fududeynaysa in Al Shabaab laga adkaado.
Dagaalkan ayaa ahmiyad weyn u leh dadka gobolka, waana mid ku xiran masiirkooda sida ay u arkaan, oo ah in ay ka xoroobaan Shabaab amaba inay isu dhiibaan.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaan la garaneyn goorta ay weerari doonaan Degmada Moqokori iyo muddada ay ku qaadan doonto, si ay uga saaraan maleeshiyada Shabaabka.
Si kastaba ha-ahaatee Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa waxaa suurtagal ah in ay qayb ka noqdaan hawlgalka la karkarinayo ee ka dhanka ah Shabaabka qabsaday Moqokori.
Â