Bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan ayaa gurmad ka fileysa dhinaca Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo markaasi la iska kaashanayo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
La wareegitaankii Al Shabaab ee Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa dhalisay dareen gaar ah, sababtoo ah waxaa la qiyaasaya in Shabaabku aysan ku ekaan doonin degmadaasi, isla-markaana ay soo kubaareen doonaan degmada kale ee deriska la ah ee Maxaas.
Maxaas waa jidkii ay Shabaabku ku gaari lahaayeen Magaalada Ceelbuur ee bariga Gobolka Galgaduud, si ay u xaqiijiyaan istiraatiijiyadooda dagaalka ee ay maleeshiyadoodu isugu xirmayaan Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, isla-markaana ay helaan marin ay isugu gooshi karaan Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.
Masuuliyiinta ayaa arka in ay khatar amni ka dhalan doonto, haddii Shabaabku ay la wareegaan gacan ku haynta Maxaas oo saaran xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Magaalada Guriceel ayaa waxaa ka jira abaabul ciidan, si loo xoojiyo difaaca hore ee Maxaas iyo dib u xoreynta Moqokori.
Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ciidamo fara-badan ku diyaariyay magaaladaasi, oo isugu jira Ciidamada Militariga iyo kuwa Difaaca Shacabka ee muddooyinkanba loo abaabulayay inay la dagaalamaan Al Shabaab, waxaana lagu wadaa in ay si dhakhsa ah ugu ambabaxaan Maxaas.
Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Guutada Gargaar ee fadhigeedu yahay Degmada Wisil ee Gobolka Mudug ayaa qorshaha qayb ka ah in loo diro Gobolka Hiiraan, inkastoo aan la garaneyn waqtiga saxda ah ee ay u safri doonaan.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xiriiro la sameynaya Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Gobolada Galgaduud iyo Mudug, si ciidamada laga maarmi karo loogu diro Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle.
Wasiir Fiqi ayay muhiim u tahay in ciidamadu ay dib ula wareegaan Degmada Moqokori, maadaama ay tahay magaaladii ugu weyneyd ee ka baxda gacanta qaranka, tan iyo markii 27-kii bishii April loo magacaabay jegadaasi.
Dhanka kale wafdi horudhac u ah gurmadka Galmudug ayaa Jimcahan gaaray Magaalada Maxaas, iyagoo is garabtaag u muujinaya dadka reer Hiiraan iyo inaysan dagaalka ku keli ahayn.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta & Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Faarax, waxaana safarka ku wehlinaya xubno ay ka mid yihiin Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Dhagaweyne, Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo ganacsade Cabdinaasir Xaashi Garuun.
Sidoo kale odayaal iyo waxgarad ka socdo Galmudug ayaa la filayaa in ay gaari doonaan Maxaas, iyagoo odayaasha reer Hiiraan ee halkaasi ku sugan ku wareejin doona deeq ay ugu talagaleen in lagu taageero ciidamada dagaalka kula jira maleeshiyada Shabaabka.
Gurmadka Ciidamada Galmudug iyo gawaaridooda dagaalka ayaa wax ka tari kara in la joojiyo is fiditaanka Al Shabaab ee Gobolka Hiiraan iyo in maleeshiyadaasi laga saaro deegaanada bariga gobolkaasi, oo ay ugu horreyso Moqokori.
Dowlad Goboleedka Galmudug iyo dadkeeda oo Dowladda Federaalka ay gadaal ka taagan tahay ayaa reer Hiiraan u muujinaya inaanan la joogin meel loogu kala haro dagaalkan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku kadsoomay weerarkii ay Shabaabku Isniintii ku qabsadeen Moqokori, mana ahayn mid ay filayeen in saacado yar uu qaranku ku lumin doono maamulka degmadaasi, waxayna xilligan ku baraarugsan yihiin inaanan laga tanaasuli karin degmadaasi, marka aad eegto meesha ay ku taalo iyo muhiimadda ay u leedahay dagaalka la doonayo in Hirshabelle lagaga sifeeyo maleeshiyadaasi.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu dhalleeceeyay in ay hakisay hawlgaladii dalka looga saarayay Al Shabaab, taasna ay keentay in Shabaabku ay sii wadaan is ballaarintooda Hirshabelle.
Dowladda Federaalka oo isku dayeysa in ay khaladkeeda saxdo ayaa ka shaqeynaysa in Galmudug iyo Hirshabelle ay iska kaashadaan dagaalka ka furan Gobolka Hiiraan, si mustaqbalkana ay iskaashi uga yeeshaan in maleeshiyada laga saaro dhulka kale ay ka haystaan deegaanadooda.