Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka

by Laacib

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa Sabtidan la kulmay Saraakiisha Ciidamada Militariga, saacado uun ka dib, markii uu gaaray Degmada Maxaas ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa Saraakiisha Talisyada Qaybaha 21aad iyo 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka kala hadlay hawlgalka gobolka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Kulanka ayaa ahaa mid si dhow diiradda loogu saaray dardargelinta hawlgalka, iyadoo laga hortagayo in maleeshiyadu ay ku soo fiddo dhul hor leh oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo in laga saaro Degmada Moqokori oo Isniintii ay qabsadeen.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Saraakiisha Militariga ay Gudoomiye Wehliye u sheegeen in marka hore ay ciidamadu adkeeyeen difaacyada ay ku leeyihiin duleedyada Degmada Maxaas, isla-markaan aan wax baqdin ah laga qabin in Shabaabku ay foodda soo gelin karaan degmadaasi, marka xigtana uu meel wanaagsan marayo qorshihii dib loogu la wareegi lahaa degmada ku dhegan ee Moqokori.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan duleedka Moqokori, isla-markaana ay doonayaan in ay la wareegaan Maxaas, taas oo ah sababtii ay bilowgiiba u soo hujuumeen Moqokori.

Dowladda Federaalka ayaa maalmahaanba ka shaqeynaysay in Hirshabelle iyo Galmudug ay iska kaashadaan dagaalka gobolkan, si meesha looga saaro damaca Shabaabka, ee ah in ay helaan marin ay isugu gooshi karaan Dowlad Goboleedyada ka dhisan Gobolada Dhexe ee dalka.

Shabaabka ayaa xiisad ka abuuray bariga Gobolka Hiiraan, tan iyo markii ay dhowr cisho ka hor la wareegeen gacan ku haynta Moqokori.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc