Home Wararka Maanta Shabaabka oo u muuqdo kuwo si qoto dheer isugu fidinaya Gobolka Hiiraan

Shabaabka oo u muuqdo kuwo si qoto dheer isugu fidinaya Gobolka Hiiraan

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa sii wado is ballaarinta ay isugu soo fidinayaan bariga Gobolka Hiiraan, taas oo caqabad ku ah hawlgalka ay ciidamadu ugu diyaargaroobayaan in maleeshiyadaasi lagaga riixo meelaha ay kaga sugan yihiin bariga gobolkaasi.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa Axaddii la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Tardo oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, iyadoona ay warar is khilaafsan ka soo baxayaan halka ay maleeshiyadaasi ka timid.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maleeshiyadan ay ka soo ruqaansatay dhinaca Degmada Moqokori oo 7-dii bishan ay la wareegeen, halka warar kalena ay sheegayaan in ay ka yimaadeen deegaanka Ceeldheere Buraale oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan jidka Jayga ee u dhaxeeya Degmooyinka Aadan Yabaal, Ceelbaraf iyo Mahadaay ee gobolkaasi.

Maleeshiyadan ayay u suurtagashay in ay bilaa dagaal kula wareegaan deegaanka Tardo, oo sida la sheegay ay isaga baxeen Ciidanka Difaaca Shacabka oo sanadihii u dambeeyay deganaa.

Gudoomiyaha Tardo, Cismaan Xasan Guure ayaa sheegay in ciidamadu ay xeelad dagaal uga baxeen deegaankaasi, haatana ay deegaanka ku sugan yihiin sida uu yiri kooxihii argagixisada ee dhibaatada ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

“Xeeladdan dagaal koley marba si uun bay noqon doontaa. Dadka hadda dhulkaasi Ilaahay ku beerayna juqdoodii, xoolahoodii iyo caradoodii ayay jiraan. Marka waan arkaynaa sidii Ilaahay ka dhigo ayay noqoneysaa.” Ayuu yiri Gudoomiye Guure oo intaa raaciyay “Hadda saacaddan la taagan yahay ayaygii ayaa ku sugan Tardo.”

Inkastoo Guure uu sheegay in aysan is dhiibi doonin, haddana waxa uu dhanka kale sheegay in dadka reer Tardo oo keliya aysan u babac-dhigi karin, waxa uu ku sheegay duulaanka argagixisada caalamiga ah, waxaana uu ku baaqay in dadka gobolka iyo dowladdaba ay la yimaadaan qorshe guud oo kaga aaddan la dagaalanka argagixisadaasi.

Maleeshiyada Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo aan sugeynin inta lagu soo weerarayo Moqokori, iyadoo taasi bedelkeedana ay iyagu wax weerarayaan. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo maalmihii la soo dhaafay ku qulqulayay Degmada Maxaas ayaa isku diyaarinayay, sidii ay maleeshiyadaasi uga saari lahaayeen Degmada Moqokori oo dhacda xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Gobolka Shabellaha Dhexe.

Qabsashada Al Shabaab ee Tardo, ma ahan mid khatar ku ah amniga Maxaas oo qura, waxayse sidoo kale ay dhibaato amni ku noqon kartaa Degmada Jalalaqsi, marka aad eegto in Tardo ay 45km u jirto Jalalaqsi.

Tardo oo ah deegaan istiraatiiji ah ayaa muhiim u ah isu socodka Moqokori, Buuloburde, Jalalaqsi iyo Maxaas. Deegaankan ayaa sidoo kale isku xiro Maxaas iyo Degmada Aadan Yabaal.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa bishii September ee sanadkii 2022 la wareegay Tardo, ka dib wax ka badan 10 sano oo Shabaabku ay ka arriminayeen.

Shabaabka ayaa toddobaadkii hore muujiyay in ay carqaladeyn karaan amniga Magaalada Buuloburde, maadaama kuwoodii qabsaday Moqokori ay awoodeen inay furtaan waddada xiriirisa Moqokori iyo deegaanka Yasooman oo hoostaga Buuloburde, dhanka kalena ay u furan tahay waddada deegaanka Aboorey oo deris la ah deegaanka Jicibow oo saaran jiinka Webiga Shabelle. Jicibow oo dhinac uu ka maro webiga ayaa Shabaabka ka caawineysa in ay isugu socon karaan deegaanada bariga iyo galbeedka ee Gobolka Hiiraan, iyadoo webiga uu laba daamood u qaybiyo gobolkaasi.

Ka dib markii Shabaabku ay bartamihii bishii April la wareegeen Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayay billihii May iyo June ay culeys soo saareen bariga Gobolka Hiiraan, iyagoo markaasi ka soo gelaya jihada Degmada Moqokori oo xad la leh Aadan Yabaal. Inkasta oo Shabaabka dhowr jeer lagu jebiyay weeraro ay ku soo qaadeen deegaanada qaar ee hoostaga Moqokori, haddana kama aysan quusan in degmadaasi ay qabsadaan.

Shabaabka ayaa qorshe ka leh dib ugu soo laabashadooda bariga Gobolka Hiiraan, taas oo la xiriirta in ay helaan marin ay maleeshiyadoodu isugu gooshi karaan Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Shabaabka ayaa la fahamsan yahay in ay isha ku hayaan, sidii ay ula wareegi lahaayeen Degmada Maxaas, oo ah dhabihii ay ku gaari lahaayeen cirifka bari ee Gobolka Galgaduud.

Haddii Shabaabku ay qabsadaan Maxaas ayaa waxay ka dhigan tahay in ku dhawaad saddex sano ka dib uu gurmadkoodu gaari karo deegaanada Galmudug, maleeshiyaadkooda Galmudug ku sugana ay gurmad u iman karaan dhinaca Hirshabelle.

Ku dhawaad kun nin oo Shabaab aad u hubeysan ah ayaa la aaminsan yahay in xilligan ay ku sugan yihiin inta u dhaxeyso Tardo iyo Moqokori, Moqokori illaa Jicibow.

Shabaabka ayaad mooddaa in muddo dheer ay hadda sii joogi karaan bariga Gobolka Hiiraan, haddii ay si toos ah gurmadka uga heli karaan galbeedka gobolkaasi oo dhowr & sano sano ay ka arriminayeen, qayb ahaana u furan Gobolada Koonfureed iyo weliba dhinaca Gobolka Shabellaha Dhexe.

Intii Shabaabku ay culeyska ku hayeen Degmada Moqokori, isha ugu weyn ee ay gurmadka ka helayeen ayaa ahayd Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Alkowsar ee Gobolka Shabellaha Dhexe, oo si farsameysan uu ku soo gaarayay gurmadkii uga imanayay Gobolada Koonfureed oo Gobolka Shabellaha Hoose uu ugu horreyo, iyaga oo ka soo gudbaya waddada hawdka ee marta galbeedka Degmada Ceelbaraf.

Shabaabka ayaa bishii February 20-keedii bilaabay in ay culeys weyn soo saaraan deegaanadii xorta ahaa ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, waxayna wax ka yar muddo laba bilood ah ay kula wareegeen Degmooyinka Ceelbaraf, Alkowsar & Aadan Yabaal iyo weliba dhowr iyo toban deegaan oo dhaca bariga gobolkaasi.

Shabaabka ayaa si ka duwan Dowlad Goboleedyada kale waxay cududooda isugu keeneen Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyagoo ka falcelinaya hawlgalkii ballaarnaa ee ay ciidamadu horaantii sanadkan ka bilaabeen deegaanada qaar ee Hirshabelle, ujeedkiisuna uu ahaa in maleeshiyadaasi lagaga saaro galbeedka Hirshabelle oo sanado badan ay iyagu haysteen.

Si kastaba ha-ahaatee ciidamada ayaa waxaa hortaalo shaqo adag, si ay uga hortaggaan is ballaarintan ay Al Shabaab ka waddo bariga Gobolka Hiiraan, dhulkii ugu dambeeyay ee laga qabsadayna ay dib ugu soo celiyaan gacanta qaranka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc