Wararka ka imanaya Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ay maanta ku dagaalameen degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Jubbaland ay dagaalka kula wareegeen Xarunta Maamulka Degmada iyo Xaruntii Immigration-ka, oo horey ay gacanta ugu hayeen Ciidamada Dowladda.
Ma cadda cidda weerarka qaadday, laakiin dagaalkan ayaa ka dhacay degmadaasi, wax yar uun ka dib, markii uu saakay gaaray Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), kaas oo wararku sheegayaan in toddobaadkan loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Jubbaland iyo Madaxa Amniga ee Gobolka Gedo.
Ciidamada Dowladda ayaa haatan ku sugan xerada lagu magacaabo Xero UK oo ku taala duleedka magaalada, waana goobta ay ka degatay diyaarad helicopter ah oo Cabdirashiid Janan uu la socday.
Ciidamadii kale ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya Xarunta Socdaalka ama Immigration-ka iyo Dhismaha Xarunta Maamulka Degmada Beledxaawo.
Dagaalkan ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana inta la ogyahay ku geeriyooday illaa 10 nin.