Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa waxay cambaareysay weerar ay sheegtay in maleeshiyaad ka amar qaata, waxa ay ugu yeertay eedeysane Axmed Madoobe ku soo qaadeen fariisimada ay Ciidamada Qaranka ku leeyihiin duleedka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Ciidamada Qaranka ay iska caabiyeen weerarkaasi, oo sida warka lagu sheegay uu hoggaaminayay Maxamuud Sayid Aadan, oo ah Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland.
“Ciidamada Qalabka Sida ayaa si guul ah isaga caabiyay weerarkii, waxayna kala eryeen maleeshiyaadka, iyagoo gacanta ku dhigay toban ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday. Ciidanku waxay sidoo kale si buuxda ula wareegeen goobaha weerarka laga soo abaabulay.” Ayaa lagu yiri warkan oo lagu daabacay bogga wararka ee Wasaaradda Gaashaandhiga.
Warka ayaa lagu sheegay “Intii lagu guda jiray hawlgalka difaaca, waxaa ku shahiiday laba ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka: Laba Xidigle Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Muxumed Gooni. Waxaan Eebbe uga baryaynaa inuu shahiidnimadooda ka aqbalo. Saddex askari oo kale ayaa ku dhaawacmay, waxaana hadda lagu dabiibayaa xarumo caafimaad. Hadda, xaaladda deegaanku waa mid degan, waxaana Ciidanka Qaranku ay si buuxda ugu howlan yihiin xaqiijinta amniga, ilaalinta xasilloonida iyo badbaadinta shacabka ku nool Gobolka Gedo.”
Warka ayaa waxaa lagu cambaareeyay ficilada guracan ee ay ku kaceen baa warka lagu yiri maleeshiyaadkaas, iyadoo dhinaca kalena ay Wasaaradda Gaashaandhiga digiin u dirtay garabkaasi ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka.
“Wasaaradda Gaashaandhigu waxay si adag u cambaareynaysaa ficilada guracan ee ay ku kaceen maleeshiyaadkaas. Waxay sidoo kale bogaadineysaa Ciidanka Xoogga Dalka sida xirfadda iyo geesinimada leh ee ay u fashiliyeen isku dayga lagu carqaladeynayay amniga iyo midnimada dalka. Ugu dambayn, wasaaraddu waxay si cad ugu digeysaa maleeshiyaadka uu khalday Axmed Madoobe inay hubka dhigaan, isku soo dhiibaan, kana waan-toobaan ka qayb qaadashada falalka lagu beegsanayo jiritaanka qarankooda. Waxaan sidoo kale shacabka Gobolka Gedo ugu baaqaynaa inay garab istaagaan Ciidanka Qaranka iyo Taliyeyaashooda, si looga hortago khatar kasta oo ku soo fool leh amniga dalka.” Ayaa lagu sheegay warka.
Marka laga soo tago eedeynta ay Dowladda Federaalka u jeedisay Ciidanka Jubbaland, haddana Ciidamada Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa waaberigii hore ee saakay weerar ku qaaday fariisimihii ay ciidamadaasi dhawaan ka sameysteen deegaanka Tuulo Amiin oo jihada waqooyi galbeed uga beegan Degmada Beledxaawo.
Joogitaanka Ciidanka Jubbaland ee Tuulo Amiin ayaa walaac amni ku haysay dadka reer Beledxaawo iyo ciidamadaba, waana tan keentay in ciidamadu ay weeraraan deegaankaasi.
Ciidamada ayaa maanta si buuxda ula wareegay Tuulo Amiin, iyadoona ciidamadii horey ugu sugnaa oo kala firxaday ay intooda badan gudaha u galeen Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Cabdirashiid Janan, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Jubbaland ahna Madaxa Amniga ee Gobolka Gedo ayaa Dowladda Kenya ugu baaqay inay dib u soo celiso gaadiidka ku buufsan astaanta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dalkeeda lala galay.