Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa sheegay in meelo ka mid ah dalka uu ka bilowday hawlgal uu sheegay in lagu qabanayo dhul hor leh.
Afhayeenka ayaa sheegay in Taliyeyaasha Ciidamada Militariga ay gobolada dalka qaarkood u taggeen, sidii hawlgalka loogu magac-daray (Duufaanta Aamusan) loogu fidin lahaa dhul cusub oo ay tahay in la xoreeyo.
“Waxaan idiin caddeynaynaa in hawlgalo degdeg ah ay jiraan, Duufaanta Aamusan ee socotana in deegaano hor leh lagu qaban doono maalmaha dhow, Insha’Allah.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta ka soo muuqday.
Afhayeenka ayaan carab dhabin dhulka cusub ee hawlgalka laga samaynayo, balse waxa uu muujiyay in hawlgalkan kooxaha argagixisada looga saari doono deegaanada ay ka joogaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.
“Shacabka Soomaaliyeed wax dhegahooda ku farxaan ayay maqli doonaan, Ilaahay idiinkiis.” Ayuu yiri Afhayeenka oo intaa raaciyay “Hawlgalkan Ilaahay idiinkiis waa dhammaanaa, laakiin ma rabno xilliga uu dhammaanayo iyo maalmaha dhow meelaha la qabanayo inaan sheegno, ma rabno.”
Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa yiri “Wejiyo kala duwan in hawlgalkan loo sameeyay waxaa ku tuseyso in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu joogo aagga hore ee Gobolka Shabellaha Hoose iyo in Taliyaha Ciidanka Dhulka uu joogo Gobolka Galgaduud.”
Dagaalka Al Shabaab ayaa xujo ku noqday Dowladda Federaalka, marka aad eegto in ay si sahlan ugu soo laabanayaan dhulka, sida adag looga saaro.
5-tii bilood ee ugu dambeysay, Shabaabka ayaa dib u qabsaday dhul ballaaran oo laga kiciyay dhowr sano ka hor.