Waxaa maanta Magaalada Laascaanood lagu dooranayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, oo ay jegadaasi ku tartamayaan dhowr musharax.
Doorashadan oo ah mid ay wax dooranayaan Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi ayaa hadda ka bilaabatay magaaladaasi. Xildhibaanada ayaa sidoo kale dooran doona Madaxweyne Kuxigeenka.
Jegada Madaxweynaha iyo midda Madaxweyne Kuxigeenka ayaa loo diiwaangeliyay min shan musharax, kuwaas oo xilalkaasi isu soo sharaxay.
Guddiga Doorashada oo ka kooban toddobo xubnood oo laga soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka ayuu qorshuhu yahay in ay Sabtidan soo geba-gabeeyaan doorashada.
Musharaxiinta ayaa saaka loo ogolaaday inay khudbadahooda wax qabadka u jeediyaan Xildhibaanada, oo ay ku faah faahinayaan waxa ay qaban doonaan.
Musharaxiinta loo diiwaangeliyay tartanka jegada Madaxweynaha ayaa kala ah Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), Jamaal Maxamed Xasan, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Maxamuud Yuusuf Xasan iyo Rashiid Faarax Maxamuud.
Xubnaha u taagan jegada Madaxweyne Kuxigeenka ayaa waxay iyana kala yihiin Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), Cumar Daahir Xasan, Cabdirisaaq Maxamed Jaamac, Cabdisataar Sheekh Cismaan Cumar (Dhegacadde) iyo Maxamed Cabdi Bulaale.
Tartanka xilka Madaxweynaha ayaa u muuqdo mid u dhaxeeyo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Jamaal Maxamed Xasan, oo midkood ay u badan tahay in uu noqon doono Madaxweynaha soo socda.
Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) ayaa la qiyaasaya in uu noqon doono Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, haddii Firdhiye uu ku guuleysto tartanka madaxtinimada ee maamulkaasi.
Madasha doorahada ayaa waxaa ku sugan marti sharaf lagu soo martiqaaday in ay goobjoog ka noqdaan doorashadii ugu horreysay ee lagu soo dooranayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka maamulkaasi.
Dhammaan 83-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaad mooddaa in ay u soo diyaargaroobeen, sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen, waana kuwa go’aaminaya cidda dhowrka sano ee soo socota hoggaamin doonta maamulka.
Si kastaba ha-ahaatee amniga Magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, dadkuna waxay isha ku hayaan doorashada ugu heerka sarreysa ee magaaladaasi ay marti-gelineyso.