Home Dhacdooyin Weerar uu qarax ku bilowday oo lagu qaaday Xabsiga Godka Jilicow ee Muqdisho

Weerar uu qarax ku bilowday oo lagu qaaday Xabsiga Godka Jilicow ee Muqdisho

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta ay dabley hubeysani weerartay Xabsiga Godka Jilicow oo ku yaala Degmada Boondheere, sidoo kalena aad ugu dhow Madaxtooyada Somaliya.

Godka Jilicow waa talis ay leedahay Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), halkaas oo inta badan lagu xiro xubnaha lala xiriiriyo kooxaha argagixisada, waana isha ugu weyn ee Hay’adda NISA ee lagu baaro dadka loo haysto dembiyada abaabulan, waana xabsi mararka qaarkood lagu xiro maxaabiista siyaasadeed.

Wararka ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dhuftay mid ka mid ah kontoroolada laga ilaaliyo amniga Madaxtooyada, ka dibna rag hubeysan oo lugeynaya ay afka aadiyeen dhinaca Godka Jilicow.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in haatan uu iska horimaad xoogan ka socdo aagga Godka Jilicow, isla-markaana uu u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda iyo dableydii weerarka soo qaaday, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab. Wararka la helayo ayaa sheegaya in afar illaa shan oo bambaanooyin tuuraya, isla-markaana rasaas furaya ay gaareen afka hore ee Xabsiga Godka Jilicow.

Ma cadda cid si madaxbannaan u xaqiijin karta in dableydu ay gudaha u gashay oo ka dagaalameyso Godka Jilicow iyo in kale, sababtoo ah xaaladda goobta oo aad u kacsan iyo wararka la helayo oo ah kuwo is burinaya.

Muuqaal ku baahay barraha bulshada ayaa muujinaya maxaabiista ku carareysa xabsiga dushiisa, isla-markaana ka baxsaneysa xabsigaasi. Muuqaal kale oo aan aragnay ayaa waxaa ka soo muuqday rag u badan dhallinyaro oo ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen.

Boqolaal ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka noocyadooda kala duwan ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka ku yaala Degmooyinka Boondheere, Warta Nabadda iyo Xamar Weyne ee soo gala Godka Jilicow.

Xabsiga Godka Jilicow oo ku yaala xeendaab si weyn loo ilaaliyo, isla-markaana ay Madaxtooyadu ku dhex taalo ayaan la aqoon, sida raggaasi iyo gaariga lagu fuliyay qaraxa ismiidaaminta ee weerarka uu ku bilowday ay ku soo gaareen goobta.

Waa weerarkii ugu weynaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, tan iyo bartamihii bishii March ee sanadkii 2024, markaas oo maleeshiyada Al Shabaab ay weerar uu qarax ku bilowday ku ku beegsadeen Hotel SYL oo kaabiga ku haya Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.

Is bedelka amni ee muddooyinkii u dambeeyay ka jiray Magaalada Muqdisho ayaa la sheegaa in uu hoos u dhigtay weeraradii kooxaha argagixisada ay ka gaysanayeen magaalada ugu weyn ee dalka.

Weerarku waxa uu imanaya, xilli Dowladda Federaalka ay maanta bilowday hawlgal gaar ah, kaas oo la sheegay in lagu furayo waddooyinka xiran ee caasimadda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc