Ciidanka Xoogga Dalka ee qaybta ka ahaa hawlgalkii Sabtidii lagu qabtay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa maanta dhaqaaq kale sameeyay, iyagoo cagta saaray waddada aadda deegaanka Mubaarak oo hoostaga degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay gaareen afka hore ee deegaanka Daarusalaam, kaas oo u dhaxeeya Awdheegle iyo Mubaarak.
Maxamuud Sayid Axmed (Saakow), Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Awdheegle ayaa sheegay in Daarusalaam ay tahay deegaanka keliya ee u dhaxeeya Awdheegle iyo Mubaarak.
“Ciidamada waxay aadeen Daarusalaam oo u dhaxeyso Awdheegle iyo Mubaarak.” Ayuu yiri Gudoomiye Saakow oo intaa raaciyay “Awdheegle iyo Mubaarak waxay isku jiraan 8km. Mubaarak waxay galbeed ka xigtaa Awdheegle.”
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu aysan weli gudaha u gelin Daarusalaam, balse uu qorshuhu yahay in saacadaha soo socda ay si buuxda ula wareegaan deegaankaasi.
Ciidamada ayaa la sheegaya in ay isha ku hayaan deegaanka muhiimka ah ee Mubaarak, kaas oo inta ay Shabaabku joogaan aanu cago badan ku taagneyn amniga Awdheegle.
Ma cadda in ciidamadu uu qorshahoodu qayb ka yahay in ay xoreeyaan Mubaarak iyo in kale, waxaase xusid mudan in Mubaarak ay tahay meesha ay Shabaabku lix bilood ka hor kaga soo duuleen Awdheegle, markii ay qabsanayeen.
Dhanka kale ciidamo kale oo kuwa Xoogga Dalka ah, isla-markaana ay horkacayaan xoogag ka tirsan Kumaandooska Danab ayaa maanta weerar ku galay deegaanka Tawakal oo jihada bari uga toosan Degmada Awdheegle, iyagoona ka saaray maleeshiyaad yar oo kuwa Al Shabaab ah.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa laga soo xigtay in ciidamadii Jimcihii qabtay deegaanada Shaan (Shaamgare) iyo Raqayle ay kaabayaan ciidamada qabtay Tawakal, isla-markaana ay sii socon doonaan illaa deegaanada dhaca cirifka bari ee Awdheegle.
Ciidamadan ayaa waxaa gadaal ka taagan kolonyo ay la socdaan Ciidanka Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in is ballaarinta ay ciidamadu ka wadaan deegaanada dhaca bariga iyo galbeedka ee Degmada Awdheegle uu ujeedkiisu yahay in la baabi’iyo meelaha harsan ee ay ku dhuumaaleysan karaan kooxaha argagixisada.
Deegaanada qaar ee haatan ay ciidamadu kaga sugan yihiin darafyada Awdheegle ayaynaan horey u gaarin, xitaa markii ay haysteen Awdheegle, ka hor inta aan dagaal looga qabsan degmadaasi bishii March.