Home Dhacdooyin Israel oo ciidamadeeda kala baxday meelo ka mid ah Marinka Gaza

Israel oo ciidamadeeda kala baxday meelo ka mid ah Marinka Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel oo wata taangiyadooda ayaa maanta ka baxay dhul ballaaran oo Marinka Gaza ah, iyadoo la fulinayo heshiiskii Israel iyo Xamaas ay ku gaareen dalka Masar ee ku aaddanaa wejiga koowaad ee qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee nabadeynta Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa ku dhawaaqay inay dhameystireen ka bixitaankooda goobihii lagu heshiiyay ee Marinka Gaza, iyadoona uu talisku shaaciyay in ay dhaqangashay xabad joojintii Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in Israel ay waqtiga xabad joojinta ka soo hormarisay waqtigii ay horey u sheegtay in ay dhaqangeli doonto, oo ah subaxnimada Sabtida.

Militariga Israel ayaa ku dhawaaqay in xabad joojinta Gaza ay bilaabatay, saacado uun ka dib, markii Golaha Wasiirada Israel ay ansixiyeen heshiiskii Xamaas iyo Israel ee waaberigii hore ee Khamiistii ay ku saxiixeen Magaalada Sharm El-Sheikh.

Ciidamada Israel ayaa ka qalab qaatay Isgoyska Netzarim, oo ay ku xadidayeen isu socodka deegaanada koonfurta iyo waqooyiga ee Marinka Gaza.

Ciidamadan ayaa sidoo kale isaga baxay Magaaada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, halkaas oo ciidamadu ay duulaan cir iyo dhulba leh ay ku qaadeen bishii September, ka dib gadaal markii militarigu uu ku dhawaaqay in uu bilowday hawlgalka dhinaca dhulka ee lagu qabsanayo magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa banneeyay saldhig weyn oo ay ku lahaayeen xaafadda Bani Suheila oo ka tirsan deegaanka koonfurta Marinka Gaza ugu weyn ee Khan Yunis.

Kumanaan Falastiiniyiin ah oo isugu soo baxay Waadi Gaza oo ku yaala bartamaha Marinka Gaza ayaa bilaabay in ay lug ku taggaan Magaalada Gaza ee waqooyiga ku taala, ka dib markii Militariga Israel uu ku duhurnimadii ku dhawaaqay in ciidamadooda ay ka baxeen magaalada qadiimiga ah ee Gaza.

Kumanaan kale oo Falastiiniyiin ah oo ka yimid dhinaca koonfurta, kuna sii jeeda waqooyiga ayaa ka gudbay waddada xeebta. Dadkan ayaa sidoo kale ahaa kuwo lugeynaya.

Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo General Effie Defrin ayaa sheegay in ciidamadoodu ay hadda ku sugan yihiin barrihii lagu heshiiyay in ay taggaan, marka ay dhameystiraan ka bixitaankooda wejiga hore ee Marinka Gaza.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Difaaca Israel ay sii joogi doonaan meelo kala duwan oo Marinka Gaza ah, isagoona dadka reer Gaza uga digay inay u soo dhawaadaan.

Sarkaal kale oo u hadlay Militariga Israel, laguna magacaabo Avichay Adraee ayaa yiri “Waa inaad iska ilaalisaa inaad u dhawaato Ciidanka Difaaca Israel.”

Avichay Adraee ayaa sheegay in dadka la farayo inaysan u dhawaan aagagga Beit Hanoun, Beit Lahiya iyo Shejaiya ee waqooyiga Marinka Gaza.

Dhinaca koonfurta, Adraee ayaa sheegay in Falastiiniyiinta lagu wargelinayo inaysan tagi karin deegaanka cirifka koonfureed ee Marinka Gaza ku yaala ee Rafah iyo Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor, oo kala qaybisa xuduudda Marinka Gaza iyo Masar, maadaama ay weli ku sugan yihiin Ciidamada Israel.

Xabad joojinta ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday, sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 67 kun oo qof, una badan haween iyo carruur.

Falastiiniyiinta Gaza ayaa hadda dareemaya xorriyad ay isugu kala gooshi karaan koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza, marka aad eegto xaaladdii silica badneyd ee lagu hayay, muddadii dagaalka.

Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza ayaa labadii sano ee dagaalka uu socday ku waayay wax kastoo ay haysteen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc