Dowladda Federaalka ayaa u dhaqaaqeysa dhismaha Jubbaland cusub, taas oo aan ahayn midda uu fadhigeedu yahay Magaalada Kismaayo, ka dib wada hadalkii natiijo la’aanta ku soo dhammaaday ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay dhammaadkii isbuucii hore ku yeesheen Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo u safray Kismaayo ayaa la kulmay Axmed Madoobe, ka dib wada hadalo hoose oo toddobaadyo u socday labada dhinac, isla-markaana ay ka soo shaqeeyeen dalalka deriska, si loo dhameeyo khilaafkooda meesha adag gaaray, ka dib markii Dowlad Goboleedka Jubbaland ay bishii November magaaladaasi ku qabatay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada, markii saddexaadna xilka madaxtinimada Jubbaland loogu soo doortay Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Somaliya iyo Axmed Madoobe ayaa kulamo dhowr jeer la isugu soo noqnoqday ku yeeshay Kismaayo, balse ay wada hadaladoodu hareeyeen danaha is diidan ee labada dhinac. Madaxweynaha ayaa Axmed Madoobe ka dalbaday in uu ka tanaasulo doorashadaasi oo Dowladda Federaalka ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah iyo inuu dib ugu soo laabto Shirka Golaha Wadaatashiga Qaran, si loo ambaqaado siyaasaddii qaran ee lagu mideynayay Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, Baarlamaanka iyo tan Madaxda Dowlad Goboleedyada, oo ku imanaya doorasho qof iyo cod ah, taasoo uu Axmed Madoobe uu ka horyimid. Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Qaranka u bandhigay in dowladdu ay aqoonsato dib u doorashadiisa, isla-markaana uu kala shaqayn doono in mar kale uu xilka ku soo laabto.
Is mari-waa ka dib waxay natiijadu noqotay in wada hadaladu ay fashil ku soo dhammaadaan, tani oo meesha ka saartay rajo badan oo laga qabay safarka uu Madaxweynaha Qaranku ku tegay Kismaayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Isniintii ku laabtay Magaalada Muqdisho ayaa kulamo xiriir ah la yeeshay masuuliyiinta Dowladda Federaalka, oo ay ku jiraan xubnaha qaar ee Jubbaland ku metela Dowladda Federaalka.
Wararka ayaa sheegaya in kulamadan lagu go’aamiyay in la dhiso maamul ka madaxbannaan midka Jubbaland, kaas oo dadka reer Jubbaland ay leeyihiin, isla-markaana ay xaruntiisu tahay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Maamulkan ayaa noqon doona mid ay aqoonsan tahay Dowladda Federaalka, taasna waxay sii xoojin doontaa go’oomintii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka ay ku haysay Jubbaland-ta uu Axmed Madoobe hoggaamiyo, oo Villa Somalia ay kol hore diiday in si sharci ah ay u aqoonsato, ka gadaal markii hoggaanka maamulkaasi ay ku adkeysteen in maamulku uu qabanayo doorasho aysan maamuleen Dowladda Dhexe.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhaqdhaqaaq siyaasadeed uu ka socdo Madaxtooyada Somaliya, oo lagu abaabulayo ergooyin kala metela saddexda gobol ee Jubbaland, oo la rabo inay isugu taggaan Magaalada Garbahaarey.
Xubnaha ku dhow dhow labada xafiis ee dalka ugu sarreya ayaa kuu sheegaya in wafdi ka socda Dowladda Federaalka ay dhawaan tagi doonaan magaaladaasi, isla-markaana ay suurtagal tahay in ay hoggaamiyaan dhismaha Maamul Goboleed ay dowladdu taageereyso.
Ma cadda hannaanka loo marayo dhismaha maamulkan, waqtiga ay doorashada dhaceyso, nooca ay doorashada qudheedu noqoneyso iyo sida ay dadka deegaanku u taageeri doonaan.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Villa Somalia ay qorsheynayso inay Garbahaarey ka dhisto maamul la mid ah kan Waqooyi Bari ee bishii August laga dhisay Magaalada Laascaanood. Dhismaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa loo maray hannaankii odayaasha beeluhu ay ku soo xulayeen Xildhibaanada ee iyana soo dooranayay Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha & Madaxweyne Kuxigeenka.
Madaxda Dowladda Federaalka ayaa fahamsan in Jubbaland ay muhiim u tahay doorashada madaxtinimada dalka ee 2026, waana sababta la doonayo in loo dedejiyo dhismaha Jubbaland-ta cusub, si loogu soo doorto Xildhibaanada deegaanada Jubbaland ku metelaya Baarlamaanka Federaalka.
Gobolka Gedo ayaa noqday meel ay dowladdu ka hujuumi karto Jubbaland, iyadoona billo ka hor u daabushay ciidamo fara-badan, kuwaas oo meelo ka mid ah gobolka kula dagaalamay ciidamo taabacsan Jubbaland.
Ka hor dhexdhexaadintii ay Kenya hormuudka ka ahayd, Beesha Caalamkana la sheegay inay daaha gadaashiisa kala socotay, Villa Somalia ayaa ku howlaneyd dhismaha maamulka cusub ee Jubbaland, balse ay madaxdu fursad siiyeen wada hadaladii hoose ee u socday dowladda iyo Axmed Madoobe.
Tallaabada ay hadda Dowladda Federaalka dib ugu soo celineyso in la dhiso Jubbaland-ta cusub ayaa xiisad siyaasadeed oo hor leh gelineysa dalka, iyadoo aan la ogeyn halka geeddigan uu rarkiisa sal dhigan doono.
Waa suurtagal in arrimuhu sida ay u socdaan in ay wax iska bedelaan, haddii Dowladda Federaalka ay u tanaasusho Axmed Madoobe ama Axmed Madoobe uu ka soo dabco mowqifkiisa amaba dunida ay Madaxda Qaranka ku cadaadiso in aan xaaladda looga sii darin, ha yeeshee ma muuqato in waddadii la hayo.
Xiisadda taagan ayaa dalka ku riixi doonto jewi khasnaan siyaasadeed ah, isla-markaana dib u dhac ku ah geeddigii dowlad dhisidda ee Somaliya.