Allaha u naxariistee Korneyl Cumar Cali Maxamuud (Macalin Cumar) oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan ayaa lagu dilay Degmada Dharkenley, gaar ahaan Waaxda Saciid Rooraaye, xilli uu horfadhiyay hoygiisa oo halkaasi ku yiilay.
Wararka ayaa sheegaya in laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa ay si gaadmo ah ku dileen sarkaalkaas, isla-markaana ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen.
Ciidanka Booliska ee Saldhigga Degmada Dharkenley ayaa goobta gaaray, daqiiqado ka dib markii uu dilku dhacay, lamana sheegin cid ay u soo qabteen dilka sarkaalkaasi.
Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkan ayaa sheegtay in maleeshiyadeeda ay hawlgal qorsheysan ku dileen sarkaalkaasi.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo laamaha amniga ayaan weli wax war ah ka soo saarin dilka Korneyl Cumar Cali Maxamuud loogu gaystay Muqdisho.
Korneylka ayaa ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay ciidamada iyo dadka deegaanka ee ku dhawaad saddex sano ka hor Shabaabka ka saaray degmooyin iyo deegaano dhaca bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.
Shabaabka oo horaantii sanadkan culeys weyn soo saaray bariga gobolkaasi ayaa dib u qabsaday Degmooyinka Ceelbaraf, Alkowsar, Aadan Yabaal iyo deegaan kaloo badan oo dhaca bariga gobolka.