Inkastoo Saraakiisha Galmudug iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ay rumeysan yihiin in Gallad Axmed Xuseen, Cabdi Cismaan Cabdullaahi iyo Ayuub Maxamed Cabdi ay yihiin dembiileyaasha dilay hooyo iyo hablo ay dhashay oo dhawaan lagu dilay Gobolka Galgaduud, haddana Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa dhowrkii cisho ee u dambeysay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug ku cadaadineysay in la soo dhameystiro caddeymaha dacwadda ciqaabta, ka dib markii raggaasi ay si adag u diideen inay qirtaan dilka lagu soo eedeeyay.
Laamaha amniga ayaa 10-kii bishan raggaasi u soo xiray dilka hooyo Sahra Cartan Xirsi iyo gabdhaheeda kala ah Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’isa Axmed Maxamuud loogu gaystay meel u dhow deegaanka Qaayib oo hoostaga Degmada Baxdo.
Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa Arbacadii Magaalada Dhuusamareeb ka bilowday dhageysiga dacwadda lagu soo oogay saddexda nin ee dhallinyarada ah, iyadoo aan illaa iyo hadda ku qancin caddeymaha uu maxkamadda la soo wadaagay Cabdixakiin Maxamed Xirsi, oo ah Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Galmudug.
Qareenada difaacaya eedeysaneyaasha ayaa ku dooday in haddii wax qiraal oo eedeysaneyaashu ay sameeyeen aanu jirin ay tahay in Xafiiska Xeer Ilaalintu uu keeno caddeymo dheeraad ah, oo xoojinaya Qodobada 434, 39 iyo 71 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo lagu soo eedeeyay eedeysaneyaasha. Qareenadu waxay sheegeen inaanan la ciqaabi karin eedeysaneyaasha, iyadoo aanu qiraal jirin amaba aan la helin caddeymaha loo baahan yahay.
Laba ka mid ah qareenada difaacaya eedeysaneyaasha ayaa ka digay in lagu qaado xukun aan sharci ahayn, iyadoo aan maxkamadda la horkeenin caddeymaha ku filan habraaca maxkamadeynta ee dembiyada.
Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, Garyaqaan Xasan Cabdullaahi Cali ayaa 15-kii bishan caddeymo dheeraad ah ka dalbaday Xafiiska Xeer Ilaalinta.
Xafiiska ayaa Sabtidii oo uu qabsoomay fadhigii labaad ee maxkamadda horkeenay sayga marxuumadda ahna aabaha dhalay saddexda gabdhood ee lala dilay iyo saraakiishii qaar ee gacanta ku soo dhigtay eedeysaneyaasha, laakiin taasi kama caawin caddeymihii dheeraadka ahaa ee la weydiistay Xafiiska Xeer Ilaalinta, maadaama aysan intuba goobjoog u ahayn dhacddaasi.
Wararka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Qaybta Dacwad Oogista ee Xafiiska Xeer Ilaalinta ay maanta iyagoo carreysan isaga taggeen Xarunta Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb, ka dib markii aysan ku qancin go’aan uu si hoose garsoorku ugu wargeliyay inay maxkamadda ku dhawaaqeyso.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in walow aan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin go’aanka maxkamadda, haddana ay maxkamaddu u muuqatay mid maanta u diyaarsaneyd inay soo afjarto dacwaddan.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Galmudug, Cabdixakiin Maxamed Xirsi iyo koox sharci yaqaano ah oo kala shaqeynaysay dacwaddan ay garsoorka uga diggeen cawaaqibka ka dhalan kara xukun kasta oo caddaalad darro ah, isla-markaana loo baahan yahay in aan la niyad jebinin ehelada dhibaneyaasha.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xeer Ilaaliye Kuxigeenku uu si toos ah uga horyimid in la geba-gabeeyo dhageysiga kiiskan, iyadoo aan Qaybta Dacwad Oogista la siinin fursad ay caddeymo dheeraad ah ku soo uruurin karto.
Xeer Ilaaliye Kuxigeenka iyo xubnihii kale ee la socday ayaa intaasi ka dib bannaanka uga baxay hoolka maxkamadda, balse waxay goobta uga taggeen buuq, ka dib markii dadkii goobta joogtay ay si xuuraan ah ku heleen waxyaabihii ay labada dhinac ku wada hadleen.
Iyadoo kiiska xasaasi ah ay raggan ku eedeysan yihiin uu dareen carro ah ka dhaliyay deegaanada Galmudug, haddana qaabka ay maxkamadeynta u socoto ayaa kala qaybsanaan ka dhex abuurtay bulshada qaybaheeda kala duwan.
Dadka qaar ayaa ku baaqaya in la sii wado dhageysiga dacwadda, iyadoo laga fogaanayo in ay maxkamadda ku degdegto xukunkeeda, si ugu yaraan ay taasi caddaalad ugu noqoto qoysaska dhibaneyaasha iyo kuwa eedeysaneyaasha, labadaba, isla-markaana ay maxkamaddu u gaarto xukun uu dadku ku wada qanci karo.
Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa kuu sheegaya in ay ku kala dhex jiraan Garsoorka Maxkamadda iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta, si loo ilaaliyo kalsoonida xukunada maxkamadaha.
Odayaasha iyo waxgaradka ku sugan Dhuusamareeb ayaa u istaagay dejinta khilaaf daba socday fadhigii maxkamadda ee Axaddan lagu kala dareeray.
Go’aan kasta oo maxkamaddu ay maanta soo saari lahayd ayaan noqon lahayn dhammaadka kiiskan, sababtoo ah waxaa dhinac kasta oo aan xukunka ku qancin u furan 30 cisho oo rafcaan uu kaga qaadan karo xukunkaasi, si kiisku uu ugu wareego maxkamadaha kale ee awoodda u leh.