Home Dhacdooyin Mareykanka oo Israel ka furay xarunta isku-dubaridka hawlgalada militariga iyo rayidka ee Gaza

Mareykanka oo Israel ka furay xarunta isku-dubaridka hawlgalada militariga iyo rayidka ee Gaza

by Laacib

Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, JD Vance oo Talaadadan gaaray Israel ayaa gelinkii dambe maanta kaga dhawaaqay in la furay xarun isku-dubarid militari iyo rayid, oo ay ka hawlgeli doonaan Ciidamada Mareykanka, si ay ula socdaan heshiiska xabad joojinta ee lagu dhameynayo dagaalka Gaza.

Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka oo ka hadlayay deegaanka Kiryat Gat ee koonfurta Israel, oo ah meesha la dejin doono Militariga Mareykanka ayaa sheegay in ay jirto shaqo badan oo u baahan in la qabto.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in xabad joojinta hadda ka jirta Marinka Gaza ay timid, xilli aad iyo aad u adag oo Israel iyo Xamaasba ay wajahayeen.

“Aan xoogga saarno amniga, dib-u-dhiska, in dadka la siiyo cunto iyo dawo.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka.

Ciidamada Mareykanka ayaa loogu talagalay inay ilaaliyaan heshiiska xabad joojinta Gaza ee Israel iyo Xamaas ay saxiixeen 9-kii bishan, kaas oo ah wejiga koowaad ee qorshaha Madaxweyne Donad Trump ee lagu dhameynayo dagaalka labada sano ka socday Marinka Gaza.

Saacado ka dib, markii Israel iyo Xamaas ay saxiixeen hindisaha Madaxweyne Trump ee 20-ka qodob ka kooban, Saraakiisha Mareykanka ayaa Warbaahinta u sheegay in 200 oo ka mid ah askartooda ay saldhig ka sameysan doonaan Israel, si loo hubiyo inay si caadi ah u shaqeynayso xabad joojinta Gaza iyo in gargaarka bani’aadantinimo uu sidii lagu heshiiyay uu u gelayo Marinka Gaza.

Dhanka kale JD Vance, Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israel oo gacmaha is haysta ay bilaabi doonaan qorshaha dib-u-dhiska Gaza, si loo hirgeliyo buu yiri nabad muddo dheer ah iyo in la dhiso ciidamo ilaalin kara nabadgelyada dadka reer Gaza.

“Waxaa noo haray shaqo badan. Tani waxay qaadan doontaa waqti aad iyo aad u dheer.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka.

Vance oo illaa Khamiista joogi doona Bariga Dhexe ayaa lagu wadaa in uu Madaxda Israel kala hadlo, sidii loo guda geli lahaa wada-xaadjoodyada ay tahay in laga yeesho wejiyada ka harsan qorshaha Madaxweyne Trump ee taageeraya nabadda mustaqbalka fog ee gobolka.

Trump ayaa maalin ka hor Israel u soo diray Ergaygiisa Bariga Dhexe, Steve Witkoff iyo wiilka uu soddoga u yahay ee Jared Kushner, iyagoo u gogol xaaraya safarka Kuxigeenkiisa ee la doonayo in uu bilowga u noqdo wada hadalada ku saabsan wejiga labaad ee qorshihiisa lagu nabadeynayo Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc