Home Wararka Maanta Laba nin oo laga la degay gaari marayay xuduudda Gobolka Hiiraan

Laba nin oo laga la degay gaari marayay xuduudda Gobolka Hiiraan

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay laba nin kala deggeen gaari rakaab oo marayay meel u dhow deegaanka Xalfooley oo hoostaga Degmada Jalalaqsi, kuna yaala xuduudda ay wadaagaan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Warar is khilaafka ayaa ka soo baxaya halka uu gaarigu ka yimid iyo meesha uu ku sii jeeday. Wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka yimid Magaalada Muqdisho, uuna ku sii jeeday Gobolada Dhexe, halka wararka kalena ay sheegayaan in uu ka soo ambabaxay Magaalada Guriceel, isla-markaana uu ku wajahnaa dhinaca Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadan oo reer Jalalaqsi ah ay ka carreysan tahay dil toddobaadkii hore askari ka tirsanaa Ciidanka NISA loogu gaystay duleedka Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Askarigan oo lagu magacaabi jiray Cismaan Ciil Yuusuf ayaa ka mid ahaa askar lagu weeraray deegaanka Bacda oo hoostaga Matabaan.

Weerarka oo dhacay 29-kii bishii October ayaa waxaa gaystay maleeshiyo deegaanka ah, oo weerartay goob ay ciidamadu kaga sugnaayeen deegaankaasi, xilli halkaasi loo geeyay in ay dejiyaan xiisad u dhaxeysay laba maleeshiyo oo deegaanka ah.

Qoyska iyo ehelada askariga ayaa Khamiistii Dowladda Federaalka ka dalbaday in 24 saac lagu soo qabto kuwii dilay marxuumka.

Tallaabada haatan gaariga looga la degay labada nin ee safarka ahaa ayaa laga cabsi qabaa in ay saamayn ku yeelato dadka isugu gooshaya deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc