Home Dhacdooyin Guddiga Doorashooyinka oo dib u dhigay waqtiga Doorashada Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka oo dib u dhigay waqtiga Doorashada Muqdisho

by Laacib

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa dib u dhigay Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, ka dib markii Ururada Siyaasadda ee ka qaybgelaya doorashadaasi ay codsadeen in waqti loogu daro muddada ay ku soo gudbin karaan liiska Xubnaha Musharaxiinta Degmooyinka.

Ururada Siyaasadda ayaa laga doonayay in ugu dambayn ay liiska musharaxiintooda ku soo gudbiyaan 25-ka bishan, sida loogu sheegay warqad lagu wargelinayay oo 15-kii bishan loo diray.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan oo Talaadadii Magaalada Muqdisho kula kulmay xubno ka kala socday Ururada Siyaasadda ayaa xilligaasi sheegay in in ka badan 40 Urur Siyaasadeed ay codsadeen in waqtiga loo kordhiyo, taasoo hadda laga aqbalay.

Guddiga Doorashooyinka ayaa war uu caawa soo saaray ku sheegay in muddo laba toddobaad ah lagu kordhiyay muddada lagu soo gudbin karo liiska musharaxiinta.

“Guddigu waxaa uu go’aamiyay in lagu daro muddo laba toddobaad ah, oo ka bilaabaneysa 26-ka November oo ku eg 10-ka December.” Ayaa lagu yiri warqad uu guddigu caawa soo saaray.

Guddiga ayaa sidoo kale warqadda ku sheegay “Guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan Ururada Siyaasadda in liisaska musharaxiinta kama dambeysta lagu soo gudbiyo ugu dambayn muddada loo qabtay.”

Tani ayaa dib u dhigeysa waqtiga doorashada, oo horey loo muddeeyay in 30-ka bishan ay ka qabsoomto Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo toddobaadkii hore Muqdisho ka daahfuray bixinta kaarka codeynta ayaa sheegay in 61 Urur Siyaasadeed ay isku diiwaangeliyeen doorashada.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dad gaaraya 923,220 qof ay isku diiwaangeliyeen doorashadan, si ay codkooda ugu soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa. Gudoomiyaha ayaa doorashadani ku sheegay tii ugu horreysay ee 57 sano ka dib ay dadku si toos ah wax ugu soo dooranayaan.

Doorashadan ayaa muhiim u ah qorshaha Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay dalka ku gaarsiineyso doorashada qofka iyo codka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc