Home Dhacdooyin Buundada Sabiid & Caanoole oo dib u dhis lagu sameeyay (SAWIRRO)

Buundada Sabiid & Caanoole oo dib u dhis lagu sameeyay (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehlinayeen Saraakiil Turkish ah ayaa saaka gaaray deegaanka Sabiid & Caanoole ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Masuuliyiintan oo la socday diyaarad helicopter ah ayaa halkaasi kaga qaybgalay munaasabad xarigga looga jarayay Buundada Sabiid & Caanoole, ka dib markii dib u dhis lagu sameeyay.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa bishii March ee sanadkan dagaal culus kula wareegtay gacan ku haynta Sabiid & Caanoole, waxaana dib looga saaray bishii June, markaas oo ay burburiyeen buundadaasi.

Dib u dhiska buundadan ayaa looga maarmi waayay muhiimadda ay u leedahay isu socodka bulshada deegaanka iyo marinada ganacsiga ee Gobolka Shabellaha Hoose.

“Waxaa maanta farxad weyn noo ah muddo lix bilood ka dib Buundadii Sabiid oo cadowgu burburiyeed oo aad ogeedeen dhibaatada ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed in maanta aan xarig jarkeedii isugu imaanay, oo ay noo furayaan Wasiirada iyo madaxda halkan joogta dhammaan.” Ayuu yiri Taliyaha oo ka hadlayay munaasabaddii xarigga looga jarayay dib u furista buundadaasi.

Taliyaha ayaa Dowladda Turkiga iyo Militariga Uganda uga mahadceliyay gacanta ay ka gaysteen dib u dhiska Buundada Sabiid iyo Caanoole.

“Waxaan rabaa inaan farriin u diro cadowga, waxaana leeyahay haddaad buundo jebisaan, haddaad waddo goysaan iyo haddaad miino dhigtaanba, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed mar walba meel kastoo joogtaan iyo xilli walba aad joogtaan wuu idiinku imaan doonnaa.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka oo farriin u dirayay Al Shabaab.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray “Haddaad buundo jebisaan, dib baan u hagaajin doonnaa oo shacabka iyo maatida waddada ay marayaan ma ahaan doonto mid burbursan. Waxaan u taaganahay waa ilaalinta shacabka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.”

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa dhankiisa Shabaabka ku eedeeyay inay diin sheeganayaan, haddana ay u daran yihiin nolosha dadka iyo diintaba.

Wasiir Fiqi ayaa Ciidamada Militariga ee deegaankaasi degan faray inay waxyeelada ka dhowraan buundada.

“Buundadan waad u jeediin kharashka ku baxay, difaaceeda iyo haynteedaba masuuliyaddiina weeye.” Ayuu yiri Fiqi oo dadka deegaankana ku booriyay in ay difaaca buundadaasi qayb ka noqdaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc