Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in ay la wareegi doonto hubka dembiyada looga gaysto deegaanadeeda, ka dib marka ay maxkamaddu xukunto eedeysaneyaasha.
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa war ay Isniintan soo saartay ku sheegtay in ay wasaaraddu la wareegeyso hubka lagu gaysto dembi ka dhan ah nabadgelyada guud ee dadka reer Galmudug, hantidooda iyo sharafkoodaba, ka dib marka la xukumo dembiilaha.
“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 12 January 2026 Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Galmudug, ayada oo ka duuleysa masuuliyadda dastuuriga ah ee ka saaran sugidda nabadgelyada guud iyo xakamaynta hubka waxa ay soo saartay amar lagu la wareegayo hubka lagu gaysto dembi ka dhan ah nabadgelyada guud ee muwadiniinta Galmudug, hantidooda iyo sharfkoodaba, ka dib marka ay maxkamaddu xukunto dembiilaha.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu sheegay “Laga bilaabo marka ay maxkmaddu xukun ku rido dembiilaha hubkii lagu galay dembigaas, waxaa ay maxkamaddu ku wareejineysaa Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug.”
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa muddooyinkanba juhdi badani ku bixineysay, sidii ay wax uga qaban lahayd dilalka aanooyinka beelaha ee ku soo badanaya deegaanadeeda.
Warka Wasaaradda Amniga Galmudug ay ku sheegtay in ay lala wareegayo hubka falalka amni darrada ah looga gaysto gudaha Galmudug ayaa imanaya, iyadoo maamulka uu Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) hoggaamiyo uu isku diyaarinayo Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Galmudug.
Galmudug ayaa lagu wadaa in deegaanada ay maamusho ka qabato doorasho qof iyo cod ah, tani oo qayb ka ah qorshaha Dowladda Federaalka ay dalka ku gaarsiineyso doorashada tooska ah, inkastoo uu khilaaf xoog lihi hareeyay.