Home Wararka Maanta Laascaanood oo lagu soo dhaweeyay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti (SAWIRRO)

Laascaanood oo lagu soo dhaweeyay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti (SAWIRRO)

by Laacib

Wafdi ka socda Dowladda Jabuuti ayaa galabta gaaray Magaalada Laascaanood, si ay uga qaybgalaan munaasabadda lagu caleemo-saarayo Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Diinta & Awqaafta Jabuuti, Muumin Xasan Barre ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Laascaanood.

Wafdiga ay Jamhuuriyadda Jabuuti soo dirtay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta & Isgaarsiinta Jabuuti, Ridwaan Xirsi Bahdoon, Danjiraha Jabuuti u jooga Somaliya, Maxamed Ibraahim Yuusuf, Xildhibaano iyo weliba saraakiil ciidan.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweyne Firdhiye, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa noqoneysa dalka keliya ee illaa iyo hadda wafdi u soo dira xafladda lagu wado in lagu caleemo-saaro Madaxweyne Firdhiye iyo Kuxigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc