Home Wararka Maanta Tirada xubnaha Shabaab ee lagu dilay Kudhaa oo kor u dhaaftay 200 oo nin

Tirada xubnaha Shabaab ee lagu dilay Kudhaa oo kor u dhaaftay 200 oo nin

by Laacib

Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, Xasan Nuur Cabdi ayaa sheegay in tirada xubnaha Al Shabaab ee lagu dilay Jasiiradda Kudhaa iyo nawaaxigeeda ay kor u dhaaftay laba boqol oo nin, isagoo dhinaca kalena sheegay in sideed nin oo maxaabiis ahna nolosha lagu hayo.

Ciidamada oo Khamiistii dib ula wareegay Kudhaa ayaa Jimcihii iyo Sabtidii sii waday hawlgalka ay ku baadigoobayeen firxadka Shabaabka ee u cararay dhulka hawdka ee ka baxsan Kudhaa. Ciidamada ayaa Sabtidii dul tegay gaadiid hor leh oo kuwa dagaalka ah oo Al Shabaab looga gubay bannaanka Kudhaa, waxayna sidoo kale intii ay ku daba jireen firxadka maleeshiyadaasi ay heleen meydadka 24 nin.

Gudoomayaha Degmada Badhaadhe ayaa sheegay in xubnaha Shabaabka laga dilay, inta ay tiradooda xaqiijiyeen ay yihiin 250 nin.

“Nimankaasi sidaad ogtihiinba weerar bay nagu soo sameeyeen, runtii waan iska caabinay, dib baana u celinay. Dhimashadooda hadda waxay mareysaa 250, weli waxyaalo kale oo la soo qaadayo way jiraan oo saacaddan lagu maqan yahay oo la soo wado, laakiin dhimashadooda hadda aan xaqiijinay waa 250.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha oo wareysi siiyay telefishinka afka Dowlad Goboleedka Jubbaland ku hadla ayaa sheegay in uu indhihiisa ku arkay sideed baabuurta dagaalka ah oo laga burburiyay maleeshiyadaasi.

“Runtii khasaare aysan ka soo waaqsan doonin baa meeshaa ka soo gaaray. Uma maleynayo inay dib dambe u soo haweysan doonaan deegaanka Jubbaland.” Ayuu yiri Xasan Nuur Cabdi, Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe.

Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen sideed maxbuus oo laga qabtay Al Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo dagaalka ku dhaawacmay.

“Waxaan gacanta ku haynaa illaa sideed nin oo nolosha aan ku hayno, qaar dhaawac ah iyo qaar badqabo oo waxba aanan gaarin.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in xaaladda Kudhaa ay haatan degan tahay, dadkii ka barakacayna ay dib guryahooda ugu soo laabanayaan.

Shabaabka ayaa damacsanaa inay muddo dheer sii joogaan Kudhaa, waxaase qorshahoodii kala dhantaalay hawlgalkii cirka iyo dhulkaba lahaa ee ay ciidamada kaga falceliyeen imanshahooda deegaanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc