Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah isbahaysi siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland ayaa cambaareeyay go’aanka Dowladda Federaalka ay maanta dib hawada Magaalada Muqdisho uga celisay diyaaradihii ay la socdeen wafuuddii horudhaca u ahayd Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ee ka qaybgelaya wada hadalada ay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ka yeelanayaan is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.
“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu cambaareynayaa go’aanka masuuliyad darrada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku celisay duulimaadyadii ka soo kala kicitimay Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe, sidayna wafuud hordhac u ahayd oo ka koobnaa masuuliyiin, saxaafad iyo Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu goluhu soo saaray.
Golaha ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisuba ay qaateen go’aan qar iska tuurnimo ah, oo ay kaga tallaabsanayaan heshiis uu goluhu sheegay in laga gaaray dhammaan qodobadii aasaaska u ahaa qabsoomidda shirka, oo ay qayb ka tahay ogolaanshaha ilaalada masuuliyiinta.
“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii gundhiga u ahaa qabsoomidda shirka wada hadalada, oo ay qayb ka tahay ogolaanshaha ilaalada gaarka ah ee masuuliyiinta shirka ka qaybgaleysa. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisuba waxay qaateen go’aan qar iska xoornimo ah oo khatar geliyay nolosha wafuuddii saarneyd diyaaradaha la celshay.” Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si niyad sami ah u aqbalay gogosha ay dowladdu dhigtay, waxaase aqbalaadda ka dib socday tallaabooyin si cad loogu carqaladeynayo qabsoomidda gogosha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kulamo iyo hadalo lid ku ahaa ujeedooyinka gogosha wada hadalada, wax ka bedelka dastuurka iyo xanibaadda duulimaadyada wafuuddii ka qaybgeli lahayd gogosha.”
Golaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay inuu diyaar u yahay wada hadalo daacad laga yahay iyo inuu dib u eegis ku samayn doono dhabaha loo marayo wada hadalada.
“Haddaba, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed u caddeynayaa in uu diyaar u yahay wada hadalo daacad laga yahay, wuxuuna dib u eegis ku samayn doonnaa tubta wada hadalada.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka.
Golaha Mustaqbalka waa isbahaysiga ugu weyn ee siyaasadeed ee Dowladda Federaalka ku cadaadinaya in heshiis laga gaaro khilaafka hareeyay doorashooyinka dalka, haddii kalena uu goluhu qaban doono doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.
Gogosha ay Dowladda Federaalka fidisay oo ka dambeysay baaq 20-kii bishii December uga yimid Golaha Mustaqbalka ayaa muhiim u ah in laga heshiiyo oo laga gudbo arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay.
Tallaabada Dowladda Federaalka ay maanta dib ugu celisay Ciidanka Ilaalada ee Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa laga cabsi qabaa inay dib u dhac ku keento shirka la filayo in Talaadada uu ka furmo Muqdisho. Madaxda labadan maamul ayaan cagta soo dhigi doonin caasimadda, haddii aan loo ogolaan inay ilaaladooda la yimaadaan.
Shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayuu qorshuhu ahaa in Axaddan uu ka furmo magaalada, balse uu dib dhac ku yimid.