Maamulka Abu Dhabi ayaa la tacaalaya dab ka kacay goob ku dhex taala Xarunta Warshadaha Ruwais, kaas oo ka dhashay weerar ay gaysatay diyaarad drone oo ka timid dhinaca Iran.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay in Shirkadda Saliidda Dowladda Abu Dhabi ee ADNOC ay Talaadadan xirtay xaruntaasi, si looga jawaabo waxyeelada uu dabku gaystay.
Reuters ayaa ku warantay in warshaddan oo ay maamusho Abu Dhabi National Oil Company (ADNOC) ay maalintii soo saareysay 922,000 foosto oo shidaal ah.
Wakaaladda Wararka AFP ayaa warisay in Xarunta Ruwais ay joojisay howlaheedii, taxadar awgeed.
Xarunta Warshadaha Ruwais (Ruwais Industrial Complex) ayaa ah xudunta dhexe ee wax soosaarka Emirate-ka Carabta, waana warshadda ugu weyn ee sifeynta saliidda ee dalka iyo tan ugu weyn Bariga Dhexe.
Abu Dhabi waxay xaqiijisay inaanay cidina waxba ku noqon weerarka, marka laga soo tago in uu jiro dab ka kacay xarunta.
Weerarkan ayaa calaamad u ah burburkii ugu dambeeyay ee kaabeyaasha tamarta ee Gobolka Bariga Dhexe, sababo la xiriira dagaalka Mareykanka iyo Israel ay kula jiraan Iran.
Tallaabada lagu joojiyay howlihii shaqo ee warshadda ugu weyn saliidda sifeysa ee gobolka ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay sii kordheyso cabsida laga qabo in qiimaha saliidda uu gaaro meeshii ugu sarreysay.
Colaadda Bariga Dhexe ee weli sii socoto ayaa carqaladeynaysa saadka tamarta adduunka.