Home Wararka Maanta Xiisadda ka soo korortay Muqdisho oo walaac ku haysa shacabka

Xiisadda ka soo korortay Muqdisho oo walaac ku haysa shacabka

by Laacib

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ka cabsi qaba in uu dagaal ka qarxo magaaladaasi, xilli Dowladda Federaalka ay ciidamo dul dhigtay guryaha Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Laamaha amniga ayaa ciidamo iyo gaadiid dagaal geeyay agagaarka guryaha xubno ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ku yaala nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, taasoo dhalisay cabsi la xiriirta inuu dagaal ka qarxo magaalada.

Xiisadda amni ee ka soo korortay magaala madaxda dalka ayaa salka ku haysa is mari-waaga muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya Villa Somalia iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka aragtida duwan Dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in mucaaradku ay dhankooda wadaan abaabul ciidan, si ay uga hortaggaan khatarta weerar abaabulan.

Mucaaradka waxay ka digeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qaadi doono, wixii cawaaqib ah ee ka dhasha daandaansi ay ku eedeeyeen in ay dowladdiisu waddo.

Hadal hayn xoog leh ayaa ka dhalatay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka soo cusboonaaday magaalada, iyadoo dadku ay weli xusuustaan dagaalkii labada dhinac horaantii bishii June ku dhex maray caasimadda.

Dadka dhaliila siyaasadda Villa Somalia ayaa Dowladda Federaalka ku dhalleeceeyay inay ku kaceyso marin habaabin iyo cadaadis siyaasadeed, isla-markaana ay masuul ka noqon doonto wax kasta oo ka dhasha xiisaddan.

Dadka reer Muqdisho ayaa kuu sheegaya in ifafaalaha jira ay muujinayaan in dagaal uu soo socdo, haddii xaaladdu ay sidaan ku sii socoto.

Shacabka ayaa waxay dareensan yihiin in loolanka u dhexeeya nidaamka talada haya iyo mucaaradka uu khatar gelin karo amniga iyo xasilloonida magaalada, si looga baaqsadana ay laga maarmaan tahay in laga heshiiyo, waxa asalka u ah khilaafka.

Mar kasta oo ay adkaato in la xalliyo khilaafka ka dhex aloosan madaxda iyo siyaasiyiinta isku haya doorashooyinka dalka ayaa waxay si toos ah u saameysaa amniga iyo nolosha caadiga ah ee dadka reer Muqdisho. Marka ay meesha ka baxdo wada hadalka iyo tanaasulka, dhaqdhaqaaqyo ciidana ay dadku dareemaan waxay furtaa albaabka ugu weyn ee cabsida, taas oo mararka qaar keenta iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada amniga iyo xoogaga taageersan mucaaradka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc