Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa Magaalada Muqdisho ka sheegay in Dowladda Federaalka ay si buuxda u damaanad qaadday amniga Magaalada Baydhabo, ka dib is bedelkii maanta ka dhacay magaaladaasi, meeshana looga saaray Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka ay gacanta ku hayaan amniga magaalada, isla-markaana aan la ogolaan doonin inay ka dhacaan wax haba yaraatee qalaalse, kala aargoosi iyo kala qaybin ah.
Raysal Wasaaraha Xukuumadda ayaa dadka reer Koonfur Galbeed ugu bishaareeyay inay yeelan doonaan madax ay iyagu doorteen, oo aan loo soo xulin.
“Waxaan runtii ugu bishaaraynayaa dadka reer Koonfur Galbeed, haddii Ilaahay yiraahdo inay yeelan doonaan madax aan lagu khasbin, aan loo xulin ee ay ayaga doortaan oo ayaga ay keensadaan.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu abaalmarinayay dadka ku guuleystay Barnaamijka Daaci 2026, oo lagu dhiirigelinayo doorka dhallinyarada ee faafinta wanaagga, diinta iyo khayrka bulshada dhexdeeda ayaa waxa uu yiri “Waxaan marka ugu baaqayaa cid kasta oo ku fekereysay waxaa wax ka duwan, meel kastaba ha joogtee inaanay ku soo talagelin, meeshaas kama jiraan waxaas, mana ka socon karaan.”
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo u mahadceliyay dadka reer Baydhabo ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa shacabka reer Baydhabo ee sida qiimaha badan u soo dhaweeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, runtiina si wanaagsan ula shaqeynaya. Waad mahadsan tihiin, ma jiro cid laga guuleystay iyo cid guuleysatay, waa la wada guuleystay.”
Mar uu Raysal Wasaaruhu ka hadlayay Madaxweyne Laftagareen ayaa wuxuu sheegay in uu muddo dheer qayb ka ahaa hirgelinta doorashada qof iyo codka ee dalka, laakiin uu mar dambe ka weecday, isagoo intaasi ku daray ka Raysal Wasaare ahaan inuusan jeclaan lahayn in uu taariikhdiisa siyaasadeed ku soo geba-gabeeyo doorashadii uu Sabtidii ka qabtay Baydhabo, oo uu ku sheegay mid aan qurux badneyn.
Warka Raysal Wasaaraha ayaa ah xoojin cusub oo lagu adkeynayo go’aanka Dowladda Federaalka ay dalka ku gaarsiineyso doorashada tooska ah.
