Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo magacaabay Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed

Raysal Wasaare Barre oo magacaabay Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi u magacaabay in uu noqdo Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Raysal Wasaaraha ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo hadda ahaa Raysal Wasaare Kuxigeenka 2aad ee Xukuumadda Federaalka.

Afhayeenka Xukuumadda, Cabdinaasir Axmed Bashiir (Saxansaxo) ayaa Warbaahinta u akhriyay wareegtada lagu magacaabay Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo horey u soo noqday Wasiirka Gaashaandhiga iyo Ganacsiga ee Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka mid ahaa wafdigii uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ee Talaadadii gaaray Magaalada Baydhabo.

Magacaabiddiisa ayaa imaneysa, ka dib is bedelkii Isniintii ka dhacay magaaladaasi ee meesha looga saaray Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan guda geli doonta qorshaha lagu soo dhisayo maamulka cusub ee ay yeelanayaan dadka reer Koonfur Galbeed.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah Dowlad Goboleedyada dalka ka dhisan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc