Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo qiil u sameeyay magacaabidda Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo qiil u sameeyay magacaabidda Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed

by Laacib

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta Magaalada Baydhabo kula kulmay Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, kaas oo Khamiistan gaaray magaaladaasi.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo ah Raysal Wasaare Kuxigeenka 2aad ee Xukuumadda Federaalka ayaa xalay loo magacaabay in uu noqdo Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ee Koonfur Galbeed, si uu doorasho u gaarsiiyo maamulkaasi, waxaana xusid mudan in uu ka mid ahaa wafdigii Gudoomiye Aadan Madoobe ee Talaadadii gaaray Baydhabo, ka dib is bedelkii ka dhacay magaaladaasi. Ma cadda goorta uu ku laabtay Muqdisho oo maanta uu ka yimid.

Gudoomiye Aadan Madoobe oo soo dhaweeyay magacaabidda Hoggaamiyaha KMG ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dowladnimada la xoojiyo, inta doorashada laga qabanayo.

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in la xoojiyo nidaamkii, illaa doorashada ka dhaceyso.” Ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe oo kulankaasi ka hadlay Warbaahinta la hadlay.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay khasab ku noqotay magacaabidda Hoggaamiyaha cusub, ka dib markii uu sheegay in la waayay ciddii xil gaarsiinta ka noqon lahayd Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo daba jooga in ay magaalada isaga taggeen Madaxweynihii iyo Guddoonka Baarlamaankaba.

“Dowladda Soomaaliyeed waxaa u bannaan, sida dastuurka uu qabo, markii Dowlad Goboleedka uu duruuf adag galo inay badbaadiso oo soo fara-geliso, waa qodob dastuuri ah.” Ayuu yiri Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe ayaa intaasi ku daray in dhawaan Koonfur Galbeed laga qaban doono doorasho ka duwan kuwii hore, taas oo dadka deegaanka ay codkooda ku soo dooran doonaan ciddii meteli lahayd.

Baydhabo ayaa waxaa ku sugan wafdi ballaaran oo ka socda dhinaca Dowladda Federaalka, oo isugu jira Guddoonka Golaha Shacabka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc