Home Wararka Caalamka Daqiiqad guul ah oo u soo hooyatay Trump, ka dib hawlgalka lagu soo samatabixiyay duuliyaha

Daqiiqad guul ah oo u soo hooyatay Trump, ka dib hawlgalka lagu soo samatabixiyay duuliyaha

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in la soo samatabixiyay duuliyihii Mareykanka ee lagu weysanaa dalkaasi Iran, ka dib markii Iran ay Jimcihii soo ridday diyaarad dagaal oo F-15 ahayd.

Diyaaraddan oo ay la socdeen laba duuliye ayaa lagu soo riday Koonfurta Iran, iyadoo Saraakiisha Mareykanka ay markiiba sheegeen la soo samatabixiyay mid ka mid ah, kan labaadna la la’yahay, balse uu socdo hawlgal lagu baadigoobayo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in hawlgalka lagu soo badbaadiyay duuliyaha labaad ay ka qayb qaateen toboneeyo diyaaradood, isla-markaana ay xaaladdiisu wanaagsan tahay.

Ma cadda, sida Ciidamada Mareykanka ay ugu suurtagashay inay soo samatabixiyaan duuliyaha, faah faahinta ayaase weli soo baxeysa.

Iraaniyiinta ayaa dhulka buuraleyda ee dalkaasi ka waday hawlgal ballaaran oo lagu raadinayo duuliyaha Mareykanka, iyadoo dowladdu ay ballanqaaday abaalmarin dhan 66 kun oo dollar oo la siin doono muwaadiniinta keenta duuliyahaasi.

Warbaahinta Iran ayaa beenisay sheegashada Trump ee ku saabsan in uu guuleystay hawlgalkii lagu baadigoobayay duuliyaha lagu waayay dalka, inkastoo masuuliyiinta dalkaasi aanay weli ka hadlin masiirka duuliyaha.

Wax yar ka hor, inta aan lagu dhawaaqin in hawlgalka samatabixinta la soo geba-gabeeyay ayaa waxaa laga hadlayay in duuliyuhu uu noqon doono, waxa ugu weyn ay Tehran ku gorgortami doonto, haddii ay ciidamadeeda gacanta ku dhigaan.

Iran ayaa is hortaagi kartay daqiiqad guul ah oo u soo hooyatay Trump.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc