Dowladda Iran ayaa waxay soo gudbisay jawaabteeda ku aaddan hindisaha xabad joojinta ku-meel-gaarka ee Dowladda Pakistan ay soo jeedisay, si uu ugu gogol xaaro xabad joojin dhameystiran.
Islamabad ayaa Tehran iyo Washington u soo bandhigtay xabad joojin 45 maalmood ah iyo in la furo Marinka Hormuz, labaatan maalmood gudahoodna lagu gaaro heshiis si buuxa loogu soo afjarayo dagaalka.
Wakaaladda Wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Tehran ay gudbisay jawaab 10 qodob ka kooban, oo ay u aragto in lagu soo celin karo xasilloonida Gobolka Bariga Dhexe.
Wakaaladda Wararka IRNA ayaa waxay kaloo sheegtay in Dowladda Iran ay jawaabteeda ku caddeysay inaysan ogolaan karin xabad joojin ku-meel-gaar ah oo jilicsan, isla-markaana uu mowqifka qaranku yahay in loo baahan yahay in haddaba la gaaro heshiis xabad joojin joogto ah.
Warbaahinta Dowladda Iran ayaa ku warameysa in qodobada Tehran ay ku jiraan in si dhameystiran loo joojiyo dagaalka, in la ogolaado habka isku dubaridka Dowladda Iran ee habaynta amniga iyo badbaadada maraakiibta ee Marinka Hormuz, dib-u-dhiska dalka iyo in la qaado cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran.
Madaxda Iran ayaa toddobaadyadii u dambeeyay sheegayay in Tehran ay sharci cusub ka soo saari doonto socdaalka maraakiibta ganacsiga ee Hormuz, marka uu dagaalku dhammaado, iyagoo si cad uga horyimid in marin biyoodka ugu muhiimsan shixnadaha saliidda ee dunida lagu soo celiyo, sida uu ahaa dagaalka ka hor.
Colaadda ka hor, maraakiibta ganacsiga ayaa si caadi ah uga gudbi jiray Hormuz, haddase Iran waxay u muuqataa mid dooneysa in ay canshuurto.
Diidmada Iran ee hindisaha xabad joojinta KMG ayaa hoos u dhigaya rajada saacadihii la soo dhaafay xoogeysaneysay, lagana qabay in heshiis la saxiixi karo.
Hindisaha ay Pakistan ka soo shaqeysay ayaa la doonayay in looga hortago hanjabaadda Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee ku aaddan in Talaadada la garaaci doono xarumaha tamarta Iran, haddii aysan Tehran furin Hormuz.
Haddii la burburiyo kaabeyaasha Iran ayaa waxaa la qiyaasaya in iyana ay beegsan doonto warshadaha saliidda ee gobolka, taasna ay dhibaato hor leh ku noqon doonto sahayda tamarta adduunka, sicirka shidaalka ee suuqyada caalamka iyo xasilloonida dhaqaalaha.