Saacado yar ayaa ka harsan muddada uu Madaxweynaha Mareykanka u qabtay Dowladda Iran inay ku furto Marinka Hormuz amaba uu cadaabta ka waraabin doono.
Donald Trump ayaa Talaadada maanta ah ku hanjabay inay caawa baabi’in doonaan ilbaxnimada Iraaniyiinta, isagoo tixraacaya hanjabaddiisii hore ee ku saabsaneyd in Mareykanka uu burburin doono xarumaha tamarta iyo buundooyinka dalkaasi, si uu Tehran ugu khasbo inay ogolaato xorriyadda socdaalka maraakiibta ganacsiga ee Hormuz. Trump oo Isniintii Wariyeyaasha kula hadlayay Aqalka Cad ayaa ku goodiyay in ay hal habeen ku burburin doonaan wax kasta oo qiimo u leh Dowladda Iran.
Hanjabaadda Trump ayaa cabsi baahsan ka hurisay Gobolka Bariga Dhexe, iyadoo cid kasta ay isweydiineyso waxa dhici kara, haddii aysan Iran bedelin mowqifkeeda ay ku carqaladeynayso isu socodka shixnadaha saliidda.
Waxa keliya ay dadku sii qiyaasayaan ayaa ah in Iran ay ka aargudan doonto, haddii la garaaco kaabeyaasheeda dhaqaalaha, iyadoo markaasi weerareysa warshadaha saliidda ee gobolka.
Warbaahinta gobolka ayaa ku warameysa in dadka qaarkii ay ka walaacsan yihiin suurtagalnimada in Militariga Mareykanka ay caawa adeegsan karaan hubka qaar ee la mamnuucay, taasna ay bannaanka keeni karto in ay Iran la soo baxdo, isla-markaanka ay jawaabteeda aargudashada u isticmaasho hub aan horey looga sii warqabin inay haysato.
Taliska Ciidanka Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku goodiyay in aanu dalku waxba reeban doonin, si looga jawaabo garddarada Mareykanka iyo Israel.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sheegay in beegsiga ula kaca ah ee kaabeyaasha rayidka ah ee dalkaasi ay noqon doonaan dembi dagaal, isla-markaana ay Tehran xaq u leedahay inay si adag uga falceliso.
Masuuliyiinta Iran ayaa cod dheer ku sheegaya in jawaabta ay Tehran ka bixin doonto weerar kasta oo noocaasi oo kale ah ay keeni doonto burbur iyo dib-u-dhac aan la mahdin.
Indhaha dunida oo dhan ayaa eegaya Trump, iyadoo hal amar oo uu bixiyo uu horseedayo in xaaladda ay faraha ka baxdo ama ay noqoto mid aan la xakamayn karin.
Fallanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in haddii laga dhabeeyo hanjaabadda Trump ay weji cusub u yeeli karto dagaalka lixda toddobaad ka socdo gobolka.
Dhowr xarumood oo la gubo ayaa galaafan kara warshado dhan oo muhiim u ah wax soosaarta shidaalka iyo gaaska dabiiciga gobolka ee loo iibgeeyo dunida.
Lama oga waxa ay xaaladdu ku dambayn doonto, iyadoo Trump uu u muuqdo mid aan dhageysaneynin farriimaha uga imanaya madaxda caalamka ee looga codsanayo in aanu uga sii darin xaaladda gobolka iyo sicirka saliidda ee suuqyada caalamiga ah.