Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay go’aankan cusub, iyadoo hal saac iyo daqiiqado ay ka harsanaayeen waqtiga uu iclaamiyay in la bilaabi doono hawlgalka lagu burburinayo xarumaha tamarta iyo buundooyinka Iran, haddii aysan Tehran dib u furin marin biyoodka Hormuz.
Madaxweynaha ayaa bartiisa Truth Social ku soo qoray inuu ogolaaday in la joojiyo weerarada muddo laba toddobaad ah, haddii ay Iran fureyso Marinka Hormuz.
Trump ayaa sheegay in go’aankiisan uu ka dambeeyay, ka dib wada hadal ay yeesheen Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi, Field Marshal Asim Munir.
Trump ayaa xabad joojin ku xiray shuruud ah inay noqoto mid laba geesood ah, iyadoo Iran ay dib u fureyso marinka shixnadaha saliidda ee Hormuz.
“Tani waxay noqon doontaa xabad joojin laba geesood ah.” Ayuu yiri Trump oo ku adkeysatay in xabad joojinta ay shaqayn doonto, marka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay ogolaato furitaan dhameysan oo si ammaan ah loogu mari karo Hormuz.
Ku dhawaaqistiisa ayaa timid, xilli ay madaxda caalamka ka quusteen inay ka joojiyaan hawlgalka miiska saarnaa ee lagu beegsanayay kaabeyaasha muhiimka ah ee dalkaasi Iran.
Mar sii horreysay, waxa uu Trump ka digay in xadaaradda Iran ay dhiman doonto habeenimada Talaadada, illaa Iran ay ogolaato heshiis, ka hor waqtiga kama dambeysta ah ee uu u qabtay inay ku furto Hormuz.
Ma cadda, sida Trump uu masuuliyiinta Pakistan uga ogolaaday in la hakiyo amaba laga laabto hawlgalka ka dhanka ah kaabeyaasha Iran, maadaama Tehran aysan weli si togan uga jawaabin dalabkiisa furitaanka ee Hormuz.