Home Wararka Caalamka Iran iyo Mareykanka oo ku heshiiyay 15 maalmood oo xabad joojin ah

Iran iyo Mareykanka oo ku heshiiyay 15 maalmood oo xabad joojin ah

by Laacib

Dowladaha Mareykanka iyo Iran ayaa isla qaatay xabad joojin soconeysa muddo laba toddobaad ah, oo ay ku jirto dib u furista Marinka Hormuz.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa xalay ku dhawaaqay inuu ogolaaday xabad joojin laba toddobaad ah oo laga sameeyo Iran, ka dib wada hadal uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi, Field Marshal Asim Munir.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay in sababta uu xabad joojinta u ogolaaday ay tahay in ay horey uga gudbeen ujeedooyinkoodii militari ee Iran, haddana ay ka wada shaqeynayaan, sidii dagaalka loo soo afjari lahaa.

Golaha Amniga Qaranka ee Iran ayaa sheegay in la gaaray dhammaan ujeedkooyinkii qaranka, si looga hortago gardarrada cadowga.

Golaha ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in Tehran ay ka qaybgeli doonto wada hadalo ay garwadeen ka tahay Dowladda Pakistan, oo lagu qaban doono muddo 15 maalmood ah.

Golaha ayaa sheegay in Tehran ay diyaarisay soo jeedin 10 qodob ka kooban oo loo gudbiyay Washington, iyadoo loo marayo Islamabad. Qodobadan ayaa ah aragtida Tehran ee lagu soo afjari karo colaadda Bariga Dhexe.

Trump ayaa xaqiijiyay in Iran ay soo jeedisay qorshe ka kooban 10 qodob oo lagu shaqayn karo, kaasoo gacan ka gaysan kara sida yiri in la wada hadlo, si loo soo afjaro dagaalka.

Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt oo mar dambe Wariyeyaasha la hadashay ayaa sheegtay in wada hadalada labada dal ay sii socon doonaan.

Inkasta oo Mareykanka iyo Iran ay ku heshiiyeen xabad joojin laba toddobaad ah, haddana dal-na ma sheegin goorta ay xabad joojintu bilaabaneyso.

Wakaaladda Wararka AP oo soo xiganeysa Sarkaal Mareykan ah ayaa ku warantay in Ciidamada Mareykanka ay hakiyeen weerarada.

Dhanka kale sicirka saliidda ee suuqyada Mareykanka ayaa hoos u dhacay, ka dib markii Trump uu ku dhawaaqay in uu ka laabtay hanjabaadaha ballaarinta weerarada.

Fuustada shidaalka ayaa hoos u dhacday boqolkiiba shan (5%), rajada laga qabo joojinta dagaalka Iran.

Muddada xabad joojinta ay wada hadaladu socdaan ayaa waxaa Marinka Hormuz isla maamuli doona Iran iyo Cumaan.

Qorshaha xabad joojinta ee labada toddobaad ayaa waxaa ka mid ah in Iran iyo Cumaan loo ogolaado in ay lacago canshuuro ah ka qaadaan maraakiibta isaga kala goosha marin biyoodka Hormuz, oo ah afka ciriiriga ee Gacanka Faaris (Fars).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc