Home Wararka Caalamka Madaxweyne Macron oo si adag uga hadlay weerarada Israel ee Lubnaan

Madaxweyne Macron oo si adag uga hadlay weerarada Israel ee Lubnaan

by Laacib

Madaxweynaha Faransiiska ayaa si adag u cambaareeyay kororka weerarada Israel ee ka dhanka ah Lubnaan, xilli dunida ay soo dhaweysay xabad joojinta Mareykanka iyo Iran ee lagu taageerayo nabadda Bariga Dhexe.

Emmanuel Macron ayaa Israel ku eedeeyay inay weeraro aan kala sooc lahayn ka gaysatay dalka ay deriska yihiin ee Lubnaan, ka dib duqaymihii ugu dhimashada badnaa ay Arbacadii ka fulisay dalkaasi.

Madaxweyne Macron oo khadka teleefoonka kula hadlay dhiggiisa Lubnaan, Joseph Aoun iyo Raysal Wasaare Nawaf Salam ayaa muujiyay, sida Paris ay u garab taagan tahay Beirut.

“Waxaan muujiyay taageerada buuxda ee Faransiiska ee ka dhanka ah weerarada aan loo meel dayin ee ay Israel ka gaysatay Lubnaan, taas oo keentay tiro aad u badan oo dhimasho rayid ah.” Ayuu yiri Macron.

254 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, 1,165 kalena ay ku dhaawacmeen weerarada ballaaran ee Israel, taas oo noqoneyso tiradii ugu badneyd ee maalin keliya la dilo amaba la dhaawaco, tan iyo intii uu dib u soo cusboonaaday dagaalka Israel iyo Xisbullah, 2-dii bishii March.

“Waxaan sida ugu xoogan u cambaaraynayaa weeraradan.” Ayuu yiri Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ololaha ballaarinta Israel ee weerarada Lubnaan ay khatar toos ah ku yihiin sii jirista xabad joojinta la gaaray.

“Lubnaan waa in si buuxda loo ilaaliyaa.” Ayuu yiri Macron oo ku celiyay go’aanka Faransiiska, ee ah inuu ku taageero masuuliyiinta Lubnaan, si loo ilaaliyo madaxbannaanida dalkaasi iyo horumarinta qorshaha hub ka dhigista ee Xisbullah.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay inaanay Israel joojin doonin weeraradeeda ku wajahan Lubnaan, isagoona ku adkeystay in Lubnaan aysan qayb ka ahayn xabad joojinta lagu heshiiyay in laga sameeyo gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc