Ergada Iran iyo Mareykanka ayaa wada hadalo fool ka fool ah ku yeeshay Magaalada Islamabad, oo ay dhexdhexaadineysay Dowladda Pakistan, si loo gaaro heshiis xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ee hadda ka jirta Gobolka Bariga Dhexe loogu bedelo mid waarta.
Wada hadaladan oo loo arkayay fursad muhiim ah oo lagu dhameen karo xiisadda labada dal ayaan lagu gaarin wax heshis ah, sababtu tahay farqiga u dhaxeeya labada dhinac iyo mowqifka ay ku adkeysanayaan in heshiis lagu gaari karo.
Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, JD Vance oo hoggaaminayay wafdiga Washington ayaa sheegay in Iran ay diiday dalabka Mareykanka, taasoo ka dhigan inaysan Tehran weli diyaar u ahayn inay ogolaato shuruudaha Madaxweyne Donald Trump, oo ah inay si buuxda dib ugu furto marin biyoodka Hormuz, inaysan yeelan karin wax nuclear ah, inaysan taageeri karin ururada hubeysan ee gobolka ka jira iyo inay noqoto dal aan lahayn gantaalada ballaastikada ee difaaca ay u haysato.
Labada dal waxay haystaan sagaal maalmood oo lagu sii wada hadli karo, marka aad eegto muddada ka harsan xabad joojintii labada toddobaad ee Talaadadii ay ku heshiiyeen, laakiin waa marka Maamulka Madaxweyne Trump uu aqbalo dalabka Iran, oo ay kow ka tahay in la joojiyo dagaalka Lubnaan, inaanan laga hadli karin taageeradeeda ururada wax iska caabinta ee Yemen, Lubnaan iyo Ciraaq, in la fasaxo hantideeda ku xaniban dibadda, in la qaado cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran iyo in Mareykanka iyo Israel ay bixiyaan kharashka dib loogu dhisayo dalka.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Trump uu haatan caqabadda ugu weyn u arko dagaalka ka socdo Lubnaan, kaasoo ah dagaal aanu Mareykanku xakamayn karin, isla-markaana aanu Israel ka joojin karin hawlgaladeeda dalkaasi.
Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku hanjabay in ay si daran u garaaci doonaan Israel, haddii aysan joojin weeraradeeda Lubnaan, iyadoo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu ku goodinayo in wax kastaa oo dhaca aysan Israel joojin doonin dagaalka uu sheegay inay ku burburinayaan Ururka Xisbullah.
Iran oo dib ugu soo laabato dagaalka ayaa waxay sii hurineysaa khatarta dagaal kaloo weyn oo ka dhaca Bariga Dhexe, bacdamaa Mareykanka aanu meelna uga hari doonin Israel, oo ay khasab ku tahay in uu difaaceeda ka qayb qaato, taasna waxay ka sii carreysiin doontaa Iran oo mar kale bartilmaameed ka dhigan doonto Saldhigyada Militariga Mareykanka ee Gacanka Khaliijka.
Trump ayaa la aaminsan yahay in uu ka caga-jiidayo dagaal cusub oo lala galo Iran, haddana waxaan dabka ka fogayn karin xiriirkiisa Netanyahu.
Lama oga waxa ay xaaladdu ku dambayn doonto, laakiin waxay cid kasta arki kartaa in fashilka shirkii nabadda ee Islamabad uu calaamad u yahay in uu dagaal soo socdo, haddii aan la helin heshiis looga baaqsan karo oo fure u ah xabad joojin laga sameeyo Lubnaan.