Home Dhacdooyin Raysal Wasaare Netanyahu oo Ciidamada Israel ku booqday gudaha Lubnaan

Raysal Wasaare Netanyahu oo Ciidamada Israel ku booqday gudaha Lubnaan

by Laacib

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu maanta Ciidanka Difaaca Israel ku booqday Koonfurta Lubnaan, waana markii ugu horreysay oo sidaasi uu sheego, tan iyo markii uu bilowday duulaankooda dhinaca dhulka ee dalkaasi.

Militariga Israel ayaa daba-yaaqadii bishii hore ee March bilaabay hawlgal dhinaca dhulka ah, oo ay dhul cusub uga qabsanayaan Koonfurta Lubnaan. Wasiirka Difaaca Israel ninka lagu magacaabo Israel Katz ayaana sheegay in dhulkaasi laga dhigi doono meel militariga ka caagan oo laga ilaaliyo amniga deegaanada Waqooyiga Israel.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa ka soo muuqday muuqaal goob ay ciidamadu ku sugan yihiin, wuxuuna sheegay in dagaalku uu sii socon doono.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa ciidamada ku amaanay in ay shaqo wanaagsan ka qabteen deegaanada xuduudda ee Koonfurta Lubnaan, isagoona ku booriyay in shaqada harsan ay dhameystiraan.

Netanyahu ayaa sheegay in Ciidamada Israel ee ku sugan gudaha Lubnaan ay ka hortaggeen khataraha Xoogaga Xisbullah, iyagoo dib u riixay sida uu yiri khatarta ka hortagga taangiyada iyo sidoo kale gantaalada, balse ay jirto shaqo weli dhiman.

“Dagaalku wuu sii socon doonnaa.” Ayuu yiri Netanayahu oo intaasi ku daray in ay dhulka Lubnaan u isticmaali doonaan meel looga hortago khataraha ka dhanka ah amniga Israel.

Taliska Militariga Israel ayaa tobanaan kun oo ciidamadooda ka mid ah gudaha u geliyay deegaanada xuduudda ee Lubnaan, iyagoo ka duulaya deegaanada Waqooyiga Israel ee saaran xuduudda labada dal. Israel ayaa weerarkan qaadday labada toddobaad ka hor, intii uu socday dagaalka Mareykanka iyo Israel ay kula jireen Iran.

Iran iyo Mareykanka ayaa Talaadadii ku heshiiyay xabad joojin muddo laba toddobaad ah oo laga sameeyo Bariga Dhexe oo Lubnaan ay qayb ka tahay, laakiin Netanyahu ayaa ka horyimid in xabad joojin laga sameeyo dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc