Home Wararka Caalamka Maamulka Trump iyo Iran oo ku sii dhawaanaya dagaal aan laga baaqsan karin

Maamulka Trump iyo Iran oo ku sii dhawaanaya dagaal aan laga baaqsan karin

by Laacib

Taliska Militariga Mareykanka ayaa sheegay in go’aanka lagu go’doominayo Dekedaha Iran uu dhaqangalay gelinkii dambe ee maanta, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu ka digay in la burburin doono maraakiibta dagaalka Iran ee u haray, haddii ay u soo dhawaadaan maraakiibta ay la socdaan Ciidanka Badda Mareykanka ee la socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee tagaya ama ka imanaya dekedaha iyo xeebaha dalkaasi.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in muddadii uu dagaalku socday ay burburiyeen 158 markab oo laga lahaa Iran, kuwa ay hadda haysato ee aan la garaacina ay yihiin doomaha loo adeegsado weerarada degdeg ah, isla-markaana sababta aan loo beegsan ay tahay waa inaanan loo arkaynin khatar weyn. Trump ayaa ku hanjabay, haddii mid ka mid ah maraakiibtaasi uu u soo dhawaado aagga wax laga go’doominayo ay si dhakhsa ah u burburin doonaan.

Xanibaaddan ayaa lagu beegsanaya maraakiibta lala xiriiriyo Iran oo keliya, kuwaas oo sida uu Militariga Mareykanka sheegay aan loo ogolaan doonin inay ka gudbaan marin biyoodka Hormuz, taasoo u ogolaaneysa maraakiibta tagaya ama ka imanaya dalalka kale inay si xorriyad ah ku maraan marin biyoodkaasi. Si ka duwan taasi, gaadiidka badda ee soo gelaya iyo kuwa kale ee ka baxaya Dekedaha Iran ayaan heli doonin fursad ay isugu gooshaan Marinka Hormuz, iyadoo aan loo eegayn dalka laga leeyahay.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa go’doomintan uga gol leh in looga hortago saliidda ay Iran dhoofiso.

Ka dib fashilka wada hadaladii nabadda ee Iran iyo Mareykanka ay ku yeesheen Magaalada Islamabad, mowqifka xiga Madaxweyne Trump ee lagu go’doominayo Dekedaha Iran ayaa abuuray koror cusub oo xiisadeed oo labada dal ah.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ka digay in ay maraakiibta dagaalka Mareykanka ku soo dhawaadaan Marinka Hormuz, haddii kalena loo tixgelin doono xadgudub ka dhan ah xabad joojinta, tallaabo adagna laga qaadi doono.

Tehran waxay kaloo sheegtay inay ka aargoosan doonto xanibaadda dekedaheeda, isla-markaana aysan amni noqon doonin dekedaha kale ee Dowladaha Khaliijka.

Wararka ayaa sheegaya in go’doominta ka dhanka ah Dekedaha Iran uu Mareykanka kaga jawaabayo diidmada Tehran ee dib u furista marinka shixnadaha saliidda ee Hormuz. Mareykanka iyo Iran ayaa Talaadadii ku heshiiyay xabad joojin muddo laba toddobaad ah. Shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah in xabad joojinta laga sameeyo Bariga Dhexe oo Lubnaan ay ku jirto iyo in aan la carqaladeyn isu socodka maraakiibta ee Hormuz.

Iran ayaa Aqalka Cad ee Mareykanka ku gacan seyrtay in ay soo celiso xorriyadda socdaalka maraakiibta ee marin biyoodka ugu mashquulka badan ee gobolka iyo dunidaba, ka dib markii Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu ka biyo diiday inay ciidamadiisu joojiyaan weerarada ay ka wadaan dalkaasi Lubnaan.

Madaxda Iran ayaa ka carooday inaanu Trump gacmaha qaban Netanyahu, taasoona lagu sheegay mid ka mid ah sababaha aan horumarka looga samayn wada hadaladii nabadda ee Islamabad.

Trump ayaa Iraaniyiinta ku eedeeyay in ay caqabad ku noqdeen fursad kastoo xabad joojinta muddada gaaban loogu bedeli karay mid joogta ah. Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf oo hoggaaminayay wafdigii Tehran ku metelayay wada hadalada ayaa si adag u beeniyay eedeynta Trump, wuxuuna sheegay in wax kastoo ka xumaaday ay iyagu sababteeda leeyihiin.

Kororka xiisadeed ee labada dal ayaa ku sii dhaweynaya isku dhac kaloo ballaaran oo ku dhex mara gobolka, inkastoo ay weli ay shaqeynayso xabad joojintii ay ku heshiiyeen 7-dii bishan, haddana waxay xaaladdu u muuqataa inaysan huri karin inay mar kale dagaalamaan. Farriimaha hanjabaadaha ee dhinacyada ayaana xabad joojinta ka dhigaya mid jilicsan oo aad u nugul.

Wargeyska The Wall Street Journal ee Mareykanka ayaa daabacay in Trump uu ka fiirsanayo in dib loo bilaabo weerarada ka dhanka ah Iran. Sidoo kale BBC ayaa Aqalka Cad ka soo xigatay in dhammaan xulashooyinka ay miiska saaran yihiin, ka dib markii ay wax ka weydiistay warbixinta wargeyska.

Warbaahinta Israel ayaa iyana ku warantay in Taliyaha Ciidamada Israel, General Eyal Zamir uu ciidamada faray inay heegan galaan, si ay uga qayb qaataan dagaal kale oo Mareykanka iyo Israel ay si wadajir ah ugu qaadi karaan Iran.

Trump ayaan ku degdegi doonin inuu bixiyo amar labaad oo Militariga Mareykanka ay ku weerarayaan bartilmaameedyada gudaha Iran, ka dib amarkiisii hore ee 28-kii February lagu weeraray dalkaasi.

Trump ayaa la sheegaya in uu miisaamayo xaaladda, si loogu diyaargaroobo suurtagalnimada dagaal muddo kooban oo Ciidamada Iran looga fogeynayo Hormuz iyo dhulka xeebaha ee dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc