Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Lubnaan iyo Israel ay ku heshiiyeen xabad joojin muddo 10 maalmood ah, ka dib wada hadalo uu la yeeshay hoggamiyeyaasha labada dal.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu la hadlay Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun iyo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, isla-markaana ay ku heshiiyeen xabad joojintan oo dhaqangeli doonto 5-ta galabnimo ee waqtiga Mareykanka.
“Labadan hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in si loo helo nabad u dhaxeysa wadamadooda ay si rasmi ah u bilaabi doonaan xabad joojin 10 maalmood ah oo bilaabaneysa 5-ta galabnimo waqtiga EST.” Ayuu Trump ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.
Talaadadii, Ergada Israel iyo Lubnaan ayaa kulankoodii ugu horreyay muddo dheer ka dib ku yeeshay Magaalada Washington, ka dib wada hadal uu garwadeen ka ahaa Mareykanka.
Ergada Lubnaan ayaa horfariistay kuwa Israel, iyadoo Israel ay kulanka ka hor si cad uga hortimid soo jeedinta Lubnaan ee ku saabsan in xabad joojin laga sameeyo dalkaasi.
Warbaahinta Mareykanka iyo Israel ayaa labaduba ku waramay in Madaxweyne Trump uu Netanyahu ka codsaday in xabad joojin laga sameeyo Lubnaan, ka dib markii Iran ay shuruud ku xirtay wareegga labaad ee wada hadalada Mareykanka in xabad joojin laga sameeyo Lubnaan.
Mareykanka iyo Iran ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay mar kale ay wada-xaajood ku yeeshaan Magaalada Islamabad, ka dib markii uu guuldareystay wareeggii hore ee wada hadalada labada dhinac.
Wada hadalada soo socda ayaa looga gol leeyahay in lagu dhameeyo xiisadda labada dal, si loo soo afjaro colaadda Gobolka Bariga Dhexe.