Home Dhacdooyin Xuutiyiinta Yemen oo dilay badmaaxiin, markii ay garaaceen markab ganacsi

Xuutiyiinta Yemen oo dilay badmaaxiin, markii ay garaaceen markab ganacsi

by Laacib

Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta gantaalo ku weeraray markab ganacsi oo marayay marin biyoodka Bab El-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Wasaaradda Gaadiidka ee dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhinteen afar ka mid ah shaqaalihii markabka, oo u kala dhashay Pakistan iyo Indonesia.

Wasaaradda ayaa galabta sheegtay in saddex ka mid ah shaqaalaha ay u dhasheen Pakistan, kan kalena uu ahaa muwaadin Indonesian ah.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in Xuutiyiinta ay saddex gantaal oo nooca ballaastikada ah ku dhufteen markabka ganacsiga ee Yemen, taas oo sababtay dab iyo burbur soo gaaray markabka.

Markabkan oo lagu magacaabo Tihamah ayaa waxaa jira warar sheegaya in laga leeyahay dalkaasi Masar, inkastoo Dowladda Yemen ay sheegtay inuu ahaa markab ganacsi oo Yemeni ah.

Weerarka dhimashada sababay ee lagu qaaday markabkaasi ayaa imanaya, xilli Xuutiyiinta ay weeraro ku hayeen magaalada dekedda leh ee Mokha, oo ay gacanta ku hayso Dowladda Yemen ee Sacuudiga uu taageero, kuna taala Badda Cas.

Waa weerarkii ugu horreyay oo dad ay ku dhintaan oo Xuutiyiintu ku qaadaan markab ganacsi, tan iyo markii 20-kii bishii July ay go’doomin dhanka badda ah ku soo rogeen Dekedaha Sacuudiga.

Ka dib markii dagaalka Mareykanka iyo Iran uu saameeyay Marinka Hormuz, Sacuudiga ayaa Marinka Bab El-Mandeb oo ku yaala cirifka koonfureed ee Yemen u isticmaalayay waddo uu ka dhoofiyo shidaalkiisa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc