72-kii saac ee la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho laga dareemay xiisad hor leh oo ka dhalatay khilaafka muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa hannaanka doorashooyinka dalka, oo si weyn ay ugu kala qaybsan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka aragtida duwan.
Khilaafkan oo u dhexeeya Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo la isku yiraahdo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland ayaa salka ku haya in loo guuro nidaamka codeynta tooska ah ee qof iyo cod iyo in lagu sii socdo nidaamkii hore ee doorashada dadban.
Dowladda Federaalka ayaa bilowday tallaabooyin amni oo loo arko in lagu beegsanayo Siyaasiyiinta Mucaaradka, xilli in muddo ahba ay si adag u dalbanayeen in dalka laga hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo heshiis lagu yahay. Tallaabooyinka amniga ayaa u muuqdo kuwo si gaar ah loogu beegsanayo Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, iyadoona uu jiro dareen ku aaddan in xitaa uu bartilmaameed noqon karo Ex Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre.
Laamaha amniga ayaa ciidamo ku soo daadiyay waddooyinka soo gala hoyga Shariif Sheekh Axmed uu ka degan yahay Muqdisho. Ciidamo isugu jira Haramcad, Polizia Militare, NISA iyo Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu arkayaa xeendaabka hoyga Shariif Sheekh Axmed oo ku yaala agagaarka waddada gasha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa shalay Shariif Sheekh Axmed ku eedeysay in ciidamo taabacsan ay falal hubeysan kula kaceen Ciidanka NISA, xilli ay ka hawlgelayeen Waaxda 1aad, General Daa’uud ee Degmada Wadajir, eedeyntaas oo si adag uu u beeniyay.
Shariif Sheekh Axmed oo loo tixgeliyo Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa mar sii horreysay ka digay in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay waddo diyaargarow colaadeed iyo tallaabooyin lagu weerarayo Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Raysal Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre ayaa isna waxa uu xalay ka digay “Waxaan si adag uga digayaa cawaaqibka xun ee ka dhalan kara daandaansiga iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee taliska Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka degan yihiin madaxdii hore ee qaranka. Tallaabooyinkani waxay abuurayaan jewi colaadeed oo caasimadda dalka u horseedi kara xasillooni darro, qalalaaso amni iyo hubanti la’aan siyaasadeed. Waxaa ayaan darro ah in Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud uu u oomman yahay dhiig hor leh, kuna howlan yahay ficillo uu ku banneysanayo dhiigga madaxdii hore, waxaana ummadda Soomaaliyeed si cad ugu sheegaynaa in Madaxweynaha waqtigiisu idlaaday uu qaadayo masuuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha tallaabooyinkan.”
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah dallad ay ku bahoobeen Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa warsaxaafadeed uu goluhu soo saaray lagu sheegay “Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si cad u cambaareynayaa falalka daandaansiga iyo been abuurka ah ee lagu sameynayo Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo maalmihii la soo dhaafay hoygiisa la dul dhigay ciidamo hubeysan, kuwaas oo carqaladeynayay howl maalmeedkiisa, khatarna geliyay amnigiisa.”
Warsaxaafadeedka ayaa intaasi ku daray “Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday waxaa laga sugayay in uu dalka u jiheeyo wada hadalo dhab ah oo laga galo, sidii dalka doorasho heshiis lagu yahay uga dhici lahayd, waxaase wax laga xumaado ah in uu hadda ku socdo waddo uu ku banneysanayo dhiigga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan Xubnaha Mucaaradka, isaga oo hay’adaha amniga u adeegsanaya sifo sharci darro ah.”
Golaha ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu joojiyo ficilada horseedi kara isku dhacyo, abuuri karana khatar amni, isla-markaana uu u jeesto heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka.