Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo wada qorshe looga hortagayo in la lumiyo dhul cusub

Aadan Madoobe oo wada qorshe looga hortagayo in la lumiyo dhul cusub

by Laacib

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa wada qorshe lagu adkeynayo amniga degmooyinka hoos yimaada maamulkaasi, si looga hortago in taageereyaasha Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay magaalooyin hor leh uga la wareegaan maamulka.

Ciidamada ka amarka qaata Cabdicasiis Laftagareen ayaa Khamiistii si nabadgelyo leh ula wareegay gacan ku haynta Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay. Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii ciidamadii horey halkaasi ugu sugnaa ay ka war heleen in ciidamo ka tirsan kuwa Laftagareen ay ku soo wajahan yihiin degmadaasi.

La wareegitaankooda magaalada ayaa dhalisay tuhun ah in ciidamada maamulka ay si is faham ah u banneeyeen fariisimahoodii ciidan, bacdamaa aysan ka hortagin duulaanka.

Khubarada dhanka amniga ayaa kuu sheegaya in ujeedada ka dambeysa la wareegitaanka ciidamada taabacsan Laftagareen ee Qansaxdheere ay u muuqato in is bedel weyn lagu sameeyay istiraatiijiyadda dagaalka mucaaradka ee ku wajahan maamulka.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta deegaanka ee ay xulafada yihiin oo dagaalkoodu uu horey ugu koobnaa Magaalada Baydhabo ayaa waxaa tallaabadan loo arkaa ballaarin lagu sameynayo aagga cadaadiska iyo saamaynta, iyadoo laga faa’iideysanayo daldaloolada amniga ee maamulka.

Aadan Madoobe oo aad mooddo in uu diidan yahay is ballaarinta ciidamada u daacadda ah Laftagareen ayaa waxa uu Wasiirkiisa Amniga, Isaaq Maxamed Isaaq (Koosaar) iyo Taliyaha Ciidanka Birmadka, Gaashaanle Mustaf Axmed Maxamed (Malaaq Guudow) uu faray in si dhakhsa ah dib-u-habayn loogu sameeyo ciidamada ka hawlgala degmooyinka uu amnigoodu jilicsan yahay, lana geeyo ciidamo xoojin ah.

Wararka ayaa sheegaya in Aadan Madoobe uu Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale weydiistay inuu bixiyo taakulada dhinaca amniga ee lagama maarmaanka ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hindisaha Aadan Madoobe uu qayb ka yahay joogteynta mushaarka ciidamada, si aan looga faa’iideysan baahidooda aasaasiga ah.

Hindisaha ayaa ilaalinaya niyadda ciidamada, iyadoo laga fogaanayo inay dhibaato maaliyadeed awgeed ugu dhiiradaan falal amniga wax u dhimaya ama inay garabka ka soo horjeeda maamulka u fududeeyaan qabsashada dhul cusub.

Bixinta mushaarka joogtada ah iyo in la damaanad-qaado baahidooda aasaasiga ah, waxay ahmiyad u leedahay niyadda iyo daacadnimada ciidamada, si ay si wax ku ool ah ugu gutaan waajibaadka loo igmaday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc